BALIGUBADLE MEDIA
Dhawra bilicda wadankeena W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
March 23, 2018 - Written by admin

Waxa aad la yaabaysa marka aad bulshadeena barbar dhigto
bulshooynka lamidka ah ama wadamada inala midka ah bulshooynka ku
dhaqan sida ay u dhawrtaan bilicda dalalkooda iyo sida ay kuweenu u
dayacaan dalkooda waxa kuu cadynaysa hadii aynu ugu horaynba
milicsano kuwa kudhaqan magaalooyinka wadanka .
Waxa aad arkaysaa kuwo inata ay xashiishka iska xaadhan hadana ku
qubay jidadaka ama hordhigaya kuwa la jaar ka ah waxa aad arkaysa
kuwo biyaa xalka iyo saabuunta ku daadinaya jidadka laamayga ah
kadibna ay saabuunt jeex jeexayso daamurka wadada waxad arkaysa
kuwo caagadaha ay sharabka ka caban ku tuuraya jidadka kadibna ay
qashin isku rogayan marka ay baabuurtu jiidho waxad arkaysa kuwo
garaabada ku daadinya jidadka waxad arkaysa kuwo kaartoonta iyaguna
ku daadinaya jidadka waxaad arkaysa iska rogo ciid sida dabaduna u
furantay ciiduna kaga qubanayso wadada ay marayso,

Dhanka miyiga hadaynu u yara leexano iyaguna may yaraysan oo
dhankooda waxay wadan haawlo kuwanba kadaran waxa ay jareen dhirtii
oo ay labo ukala qaybiyeen qayiib dhuxul laga shiday qayiib seerayaal
lagu ooday waxa aad yabaysa marka aad argato kaymo xidh ahaan jiray
shiniduna malabka dhigi jirtay midhah noocyadooda kala duwani ay kabixi
jireen oo duur joogta quruxda lehi joogi jirtay oo xoolu gu’ iyo jiilaalba ay

ku Noolaan jireen oo dugsoonka adan waxba huwnjirin oo udgoonka ubaxa
dhirtu sanka aad laraaci jirtay oo hadh macanida aadan katoosi jirin oo
dab la galiyey oo dhuxul laga shiday ama seere laga dhigay ama banaan
cadba noqday oo aad hanfiga iyo kulaylka aad haraadayso oo aadan
moodaynba dhulkaad taqaanay oo xooli uugamayaan markii ay waayeen
kayn ay galaan ama geed ay daqaan oo naf leh .

Ugu dambayntii wadaniga dhabta ahi kan maha ee waa ka wadankiisa
dhawrta ogow hadii aad wadankaaga dhawrato waa gurigaagi oo aad
dhawratay haadii aad dhawran waydana waa gurigaagi oo aad dayacday
hadaba bal fikira bulshoy oo dhawra wadankeena .

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Emil: [email protected]

COMMENTS