BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Ingiriiska oo Eriday 23 Dublamaasi oo Ruush Ah Iyo Sababaha Keenay Wakhti Xaadirkan.
March 14, 2018 - Written by admin

Dawladda Britain ayaa dalkeeda ka caydhisay  23 dublamaasi oo u dhashay dalka Ruushka  ka dib markii maaddo sun ah la qaadsiiyay nin hore  u ahaan jirey basaas Ruushka ah oo lagu magacaabo Sergei Skripal.

britian

Dawladda Ruushka ayaa diiday in ay sharaxaad ka bixiso sida ay ku dhacday in sunta neerfaha ee Ruushka lagu sameeyay loo adeegsado weerar lagu qaaday Skripal.

Ra’isal wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in dublamaasiyiinta ay dalka kaga baxaan muddo toddobaad gudihii ah.

Waxa kale oo ay Britain la laabatay casuumaad hore loogu fidiyay wasiirka arrimaha dibedda Ruushka, iyada oo sidoo kale xubnaha qoyska boqortooyada Britain la sheegay
in ay ka baaqsadeen ka qeybgalka ciyaaraha adduunka ee sanadkan lagu qabanayo Ruushka.

Tallaabooyinka kale ee ay Britain qaadayso waxaa ka mid ah in si gaar ah loo baadho duulimaadyada gaarka ah ee Ruushka, alaabaha ruushka ka imanaya iyo kuwa loo dirayaba.

Waxaa kale oo xanibaad lagu soo rogayaa hantida dawladda Ruushka u taala Britain haddii la arko wax caddeymo ah oo la xidhiidha  in halis lagu galiyay nafta qof uun.

Safaaradda Ruushka ee London ayaa sheegtay in eryiada  dublamaasiyiinta ay tahay talaabo aan la aqbali karin.

Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in UK ay siyaasadaynayso arrinka, islamarkaasna ay hareer marayso heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan hubka kiimikada.

Wuxuu intaas ku daray in haddii Moscow ay heli lahayd codsi iyada oo la tixraacayo heshiiska caalamiga ah ee hubka kiimikada ay ka soo jawaabi lahayd, wuxuuna sharcigaas dhigayaa in dalka loo dirayo uu heysto muddo 10 maalmood ah in uu ka soo jawaabo.

Source:-BBCsomali

COMMENTS