BALIGUBADLE MEDIA
Dawlad Shisheeye oo La Filayo Inay Dhexdhexaadiso Dalalka Somaliya Iyo Imaaraadka
March 10, 2018 - Written by admin

Dawladda Somalia ayaa sheegtay in dal ay saaxiib dhaw yihiin dalka Imaaraadka Carabta sidoo kalena xidhiidh fiican la leh Somalia uu dhex-dhexaadin doono khilaafka ku saabsan maalgashiga dekedda Berbera oo ay dawladda Farmaajo geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushay sidii loo fashilin lahaa.

imaaraadi

Hadaba warar lagu kalsoon yahay oo ku saabsan arrintan ayaa sheegaya in dalka Sucuudigu uu yahay dalka la filayo inuu dhex-dhexaadiyo Somalia iyo Imaaraadka, maadaama ay labada dhinac isku wanaagsan yihiin.

Sidoo kale wararka ka soo baxaya Magaalada Qaahira ayaa tibaaxaya war kaas ka duwan oo sheegaya in dawladda Masar ay noqon doonto waddan ay labada dhinacba ku kalsoonaadaan oo dhexdhexaadin karta.

Hadaba dawladda Somalia ayaa ku dedaalaysa sidii ay dalalka carabtu uga qayb qaadayn lahaayeen fashilinta heshiiska dekedda Berbera ee u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS