BALIGUBADLE MEDIA
Caqabadaha horyaala dhamaanDugsiyada dawlada oo gaadhaya 1284 Dugsi .Qalinkii A/Rahman fidhinle UK
March 8, 2018 - Written by admin

Guud ahaan dugsiyada Somaliland ee madaniga ah ama dowliga ah ayaa  gaadhaya 1284 dugsi oo isugu jira Hoose/ Dhexe iyo Sare. Tirada guud ee ardayda wax ka barata dugsiyadaasi waa 400,000 arday.  Tirada macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada dawliga ah ayaa noqanayaa 10,000,  taas oo 6640 macalin oo keliya ay pay role ka mushaharka ku jiraan inta kalena  ay bixiyaan  mushaharkooda hayado, qurbe joog ama ardayda ay wax baraan oo lacago yar-yar looga ururiyo si ay mushahar uga dhigtaan mana helaan macalimiintaasi mushahar sugan oo ay ku xisaabtami karaan in ay bil walba heli karaan.

in kasta oo miisaaniyada Waxbarashada la gaadhsiiyey $14 Million hadana waxaa jira dhibaatooyinka hoose oo ku gedaaman bahda waxbarashada iyo dugsiyada Hoose /Dhexe/Sare ee dawliga ah.

1-Tayadii waxbarashada oo aad u liidata gaar ahaan Tuulooyinka iyo Degmooyinka qaar sida kuwa xeebaha
2- Dugsiyada H/Dhexe oo aqoontii macalinka iyo tii ardaygu isa soo gaadheen taas oo tayadii tacliinta fashilisay
3- Badanka macalimiintu tayo ma laha, mana helaan mushahar ku filan,mushaharkii macalimiinta wuxuu aad uga yaraaday mushaharka Jaariyadaha xaafadaha ushaqeeya ay qaataan taa soo macalimiintii aad u niyad jebisay.
4- Hayadihii dugsiyada qaar xaga mushaharka ka caawin jiray oo gunooyinkii joojiyey sida Hayada
“Global Partnership for education, Well Fisher iyo Grand/Sea “.
5- Nasiib daro tacliinta JSL qawaaniintoodii lagu hagi lahaa ma shaqeeyaan (there is no active education policy )
6- Waxaa iyana tiro ahaan isa soo gaadhaya tirada Jaamacadaha faraha badan ee dalka iyo tirada dugsiyada sare ee dalka ,Taasina waa rikood cusub oo JSL jebisay.
7-Wasaaradu ma laha hab dhameystiran oo lagu qiimeeyo waxbarashada dugsiyada JSL (quality insurance)
8- Bay’ada waxbarashada ee dugsiyada oo aad u liita taas oo aanay dugsiyadu wada laheyn biyo nadiif ah oo joogto ah, leydh , waxaa iyana laga dhawaajiyey nadaafadxumo xaga sanitation ka dugsiyada.
9-Waxaa dugsiyada badankooda ka jira gaab xaga manhajka ah ( Curriculum gap ) taasoo ardeydu aaney duruusta sanadlaha ah dhameyn waqtigii loogu talo galay.
10-  Dhamaan agabka waxbarashada sida buugaagta, cumbuyuutarada, laybareeriyada, sheybaarada,  sabuuradaha iyo tamaashiirta oo aad u kooban taas oo kala go’da oo baahi weyn loo qabo markasta.
11-  Degmooyinka iyo Tuulooyinka qaarkood ardeyda silsilada waxbarashadu ayaa ka kala jabta duruufo dhaqaale iyo maareyn la’aan iyo talo la’aan awgeed.
12- Labaatan (20) Dugsi sare oo ka mid ah 100 ka dugsi sare ee dalka ugu kooban ardeydu waxay waxbartaan labada gelin kalaas la,aan iyo kuraas la’aan awgeed ama kalaasyada oo aad ugu yar awgeed.
13- Waxaa dhamaan la lunsaday dhulkii danta guud ahaa ee dugiyada lagu fidin lahaa ama laga dhisi lahaa.
14- Macalimiintii oo 90% u bateen rag halka ardeyda  habluhu ay ka yihiin 45% taas oo ah gaab cusub dalka.
15- Waxa laga shaqeysiin waayey Shuruucdii waxbarasha JSL ee hore loo curiyey sida Somaliland Education Act 2007,  Somaliland Education Policy 2005 iyo Somaliland Teachers Policy 2006.

Gunaanad: Waxaa Xukuumada cusub looga fadhiyaa in ay ka shaqeysiiyo  Qorshaha Shanta sanood ee  waxbarashada JSL  ( 2017 – 2021 ESSP ). Waxaana laga sugayaa  in ay soo nooleyso xidhiidhkii wada shaqeyneed ee hayadihii la shaqeyn jiray Wasaarada ee ka kabi jiray xaga gunada macalimiinta.waxaana looga fadhiyaa in ay dar dar geliso barnaamijkii dib utayeynta waxbarashada iyo tababarada macalimiinta.

La soco qaybaha danbe oo toosha lagu ifin doona Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ee JSL ………….. !!

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London

COMMENTS