BALIGUBADLE MEDIA
Cali Gurey oo Markale Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Qabo
March 5, 2018 - Written by admin

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasiirkii hore ee Wasaraadda Qorshaynta Xukuumaddii hore Maxamed Ibraahim Qabo,islamarkaana ku sheegay inuu ka cadhaysan yahay Xukuumadda Cusub ee Muuse Biixi soo dhisay ee lagu soo dari waayay,waxa uu sidoo kale ugu baaqay Qabo inuu iska xamilo oo uu sugo calafkiisa ama uu dib ugu noqdo London,isagoo dhinaciisa sheegay Cali Guray inuu muddo 12-sanno gaadhaysa gidaarka fadhiyay oo uu bilaa camal ahaa,illaa haddana yahay,halka uu ku sheegay inuu Ex.Wasiir Qabo sida shaadhka Xilal badan iskaga soo kala badelay Xukuumadii hore ee Siilaanyo.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf oo daba socday Hadalo xanafleh oo uu dhawaan Wasiirkii Hore ee Qorshayntu Mr Qabo Warbaahinta u soo mariyay ayaa waxa uu kaga jawaabay sidan “Umalayn maayo inuu qabo guushii Kulmiye ka xun yahay,Muuse Dawlad ayuu dhisay,Dawladii Qabo masoo galin,aniguna masoo galin,anigu 12-sannadood ayaan gidaarka fadhiyaa,qabana raadkiisii waa sii qoyan yahay,Xilba xilbuu u dhiibay,Isagaa wax walba soo noqday,Anigu Xil maan soo qabane gidaarkaasi ayaan iska fadhiyay,haddii aanu ku faraxsanayn Dawlada Muuse Biixi soo dhisay ee uu ka maqan yahay,dee horta aniguba waan ka maqanahay,markay dan gaarka tahay aniguna habi kuma ihi,waayo aniguba gidaarka waan iska fadhiyaa,laakiin waxa laga yaabaa isagu waa abu beed oo,shalay ayuu Lodon ka yimid oo waadigaa Gashigiisaba aad ka aragto,ee Alle mahadii iska ah,Aniguna Laba iyo tobankaasi sannadood ayaan gidaarka fadhiyaa,Axna ma lihi,markaa Nugayl”.

Waxa kale oo uu yidhi“Anigu lama hadal Qabo,Ninkaan la hadlay Faysal uunbuu ahaa,qolodan ay ishaayeen ee Safiirka Jabuuti iyo saaxiibadiisaasi iyo Cabdilaahi Blacki iyo waxaasi iyaga ayaa is ahaa,isaga ayaan iga xiga,oo ay wada joogeen,Muuse Biixi-na haddii aanu ilmaadeer nahayna ilmaadeer ayay yihiin,kamana xigo,Haddii ka tagayna anba wuu iga tagay,Markaa isaga wixiisu waa cadho Hunguri ka kacday,ee wax kale maaha,waxaanan leeyahay Kursigu waa meerto oo aniga ayaaba kaa leh oo qolada sugaysay ahaaye Arab Isaaqna waa baddan yahay oo xiitaa haddii wax loo kordhinayo in loo kordhiyo waan qabaa oo waan taageersanahay,ee adigu ma lehi, rag badan kaa tayo badan oo kaa aqoon badan oo garasho badan oo kaa waa weyn oo kursiga kaa leh ayaa jira haddaad xamili kari wayday 12-sanno ayaanu xamilnee,oo aad laba bilood xamili kari wayday dee orod oo London ku noqo,oo halkii ay barafkaagii iska doono”.ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS