BALIGUBADLE MEDIA
Cabdiraxmaan Cirro oo Ka Hadlay Sababaha Ugu Waawayn ee Keenay Inuu Ka Hadho Safarka Muuse Biixi ee Imaaraadka
March 17, 2018 - Written by admin

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa soo bandhigay sababaha keenay inuu ka mid noqdo weftiga madaxweyne Muuse Biixi  ee socdaalka ku jooga dalka imaaraadka.

ciro00

Gudoomiye Cirro ayaa sidoo kale ka waramay halka xisbiga Waddani ka taagan yahay heshiisyada dekeda iyo saldhiga milatari ee lala galay dalka imaaraadka carabta.

Ugu horayn gudoomiye Cirro oo ka hadlaya sababta ka reebtay weftiga madaxweynaha ayaa waxa uu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu  u yeedhay labada xisbi, waxaanu ka codsaday inay u raacaan safarkiisa dalka imaaraadka oo sida uu sheegay lagu marti qaaday si deg deg ah,  labada xisbiba waxa uu ka codsaday inay

raacaan hase yeeshee anigu waan ka cudur daartay laba sababood awgood, ta koowaad waxa weeyaan in kulamadii hore ee ka dhacay imaaraadka qayb kamaan ahayn, xisbiguna qayb kamuu ahayn, sababta labaadna waxay ahayd wakhtiga uu ii sheegay madaxweynuhu iyo wakhtiga uu dhoofayey oo aad iskugu dhawaa saacado yarina u dhaxeeyeen taas oo aanay ii suura galayn inaan la tashado xisbigayga.”ayuu yidhi gudoomiye cirro oo la hadlay HCTV.

Sidoo kale gudoomiye Cirro ayaa sheegay  in xisbiga Waddani uu aragti cad ka taagan yahay qaranimada somaliland, balse aan madmadowga ku jira heshiisyada xukuumadu gashay xalaal looga dhigi Karin in soomaaliya ka hadashay waxaanu yidhi “Xisbigu mawqif cad ayuu ka taagan yahay qaranimada somaliland,midnimada shacabka iyo mid ahaanshaha dhulkeeda, si buuxda ayaanu u taageersan yahay, waxaanu taageersan yahay awooda uu dastuurku xukuumada u siiyey inay heshiis la gali karto wadan kale ama shirkada, waxa kale oo aanu u sheegaynaa qolada soomaaliya inay somaliland tahay qaran madax banaan oo qaranimadiisana qaatay sanadkii 1960- 26-kii June oo qaran buuxa ahaa hase yeeshee qaranimadiisii u sadqeeyey midnimada soomaaliya iyo in la helo shan soomaaliyeed, somaliland-na cidina  qori caaradii kumay gaynin soomaaliya maantana suura gal maaha inay cidi khasab ku gayso ama khasab soomaaliya kaga dhigto.”

Sidoo kale gudoomiye Cirro ayaa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Xukumadu heshiisyada ay gasho iyo talaabooyinka ay qaado xisbi mucaarid ah ayaanu nahay oo rayi ka duwan ayaanu ka qabi karnaa, soomaaliya ayaa ka hadashayna ma xalaalaynayo wixii mad madow ah ee ay xukuumadu leedahay, xisbiguna wuu cadeeyey mawqifkiisa iyo in dadka si daah furan loogu soo bandhigo heshiisyada ay gashay xukuumadu.”

Gudoomiye Cirro ayaa sheegay inaan shacabka somaliland u baahnayn saldhigyo milatari balse ay u baahan yihiin biyo waxaan yidhi “Heshiisyadii ay xukuumadu gashay ee uu ka mid ahaa saldhigu, barigii hore waxa la yidhi Siilaanyo ayaa saxeexay imikana waxa la leeyahay Muuse ayaa Saxeexaya, imisa jeer ayaa la saxeexayaa, waxaanan qabnaa guud ahaanba saldhigyo uma baahna somaliland balse waxay u baahan tahay biyo, biyihii imaaraadku balan qaaday ayuu shacabku u baahan yahay.”

Ugu dambayn gudoomiye Cirro ayaa ka digay dhibaatooyin uu sheegay inuu keeni karo saldhiga laga hir geliyo Berbera “Waxaanu qabnaa in saldhigyadaasi ay keeni karaan in dawlado kale oo gobolka ah ay colaadi ina dhex marto oo ay somaliland noqoto meel ay dawlado shisheeye ku tartamaan, waxaanu qabnaa mawqifkii xisbigu ka qaatay markii hore ayuu ka taagan yahay heshiiska dekeda iyo heshiiska saldhiga, waanu cadaa mawqifka xisbigu kii ayaanu wali ka taagan yahay.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS