BALIGUBADLE MEDIA
Cabdifatax Al-Siisi Oo Mar Labaad Loo Doortay Madaxweynaha Dalka Masar
March 30, 2018 - Written by admin

Warbaahinta dawladda Masar ayaa goordhowayd shaacisay in doorashadii Bishan ka socotay gudaha iyo dibadda Masar uu ku guuleystay madaxweynaha hadda talada haya ee Cabdifataax Al siisi uuna helay codad gaaraya 92%.

siisi

23 Milyan oo ka mid ah 60 milyan oo qof oo isu diiwaangeliyay doorashada ayaa dibadda u soo baxay si ay u codeeyaan,waxaana hadda warbaahinta ay leedahay dowladda oo xiganeysa Guddiga doorashooyinka ay sheegeysaa in Madaxweyne Sisi uu helay 92% codadkii la dhiibtay.
Wargeysyada Al-Ahraam iyo Al-Akhbaar Al Yowm iyo wakaaladda wararka ee MENA ayaa baahiyay guusha C/Fitaax Al siisi,waxaana ay sheegeen in madaxweynaha mar labaad dib loo doortay.
Muusa Mustafa Muusa oo ah Ninka la tartamayay ayaa waxaa lagu xantaa in isaguba uu taageere u yahay Madaxweyne Sisi.
60 Milyan ee isu diiwaangeliyay codbixinta waxaa dibadda u soo baxay kaliya 40%,taas oo ka dhigan in ay ka hooseeyaan dadkii u soo baxay doorashadiisii 1aad ee 2014kii taas oo ay u soo baxeen 47%.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS