BALIGUBADLE MEDIA
Aqalka Sare oo Guddi u Saaray Khilaafka Golaha Shacabka Somaliya
March 18, 2018 - Written by admin

Aqalka sare ayaa goor dhaw guddi u saaray khilaafka ka dhax taagan Golaha Shacabka kaddib Mooshin laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

golaha sarre

Kulanka oo ahaa mid ay Albaabada u xirnaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa Warbaahinta la hadlayay Xog-hayaha Guud ee Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac, kaasoo sheegay in Aqalka sare ay soo jeedinayaan in xasiloonidii iyo degenaashaha Golaha shacabka la soo celiyo, isla markaana wax kasta oo la isku haayo lagu dhameeyo si waafaqsan dastuurka iyo xeer hoosaadka

Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kuwaasoo ka qeyb-qaadan doona xalinta khilaafka.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda, waxaana ay ku baaqeen in la xaliyo,

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS