BALIGUBADLE MEDIA
Aqalka Sare ee Somaaliya oo isku Raacay Xeerkii Dalka Lagaga Mamnuucay Shirkadda DP World
March 15, 2018 - Written by admin

Xildhibaannada Aqalka sare ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in shirkadda DP World aysan dalka Soomaaliya ka howlgali karin.

golaha sarre

Waxaa ogolaaday xeerka 28 ka mid ah xildhibaanada Golaha Aqalka Sare 6 ka mid ah xubanaha Aqalka Sare ayaa diiday halka 2 Mudane ay ka aamuseen, taasi oo ka dhigan in kulanka ay soo xaadireen 36 xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa warbaahinta u sheegay in xeerkan uu ka soo gudbay Golaha Aqalka Sare wixii hada dambeeyana uu u gudbay Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Isniintii sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay dalka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS