BALIGUBADLE MEDIA
Abwaan Ismaaciil Basbaas oo Maanta Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa
March 4, 2018 - Written by admin

Alle haw naxariistee waxa goor dhawayd magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Ismaaciil Cabdi Guure  (Basbaas) oo ka mid ahaa abwaaniintii hobolada waaberi.

Alle haw naxariistee abwaan Basbaas ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku xanuusanayey magaalada Hargeysa, isaga oo xaalad caafimaad u jiifay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Abwaan Ismaaciil Cabdi Guure (Basbaas) , waxa uu ka mid ahaa jiilkii fanka ku biirey horaantii 1950-yadii, waxa uu ahaa majaajilayste ka qaybgelay riwaayado badan.

Waxa ay dad badan ku xusuustaan wakhtiyada dambe riwaayada Beenay Waa Run oo uu ku matalayo odeyga qaba Abwaan Maxamed Cumar Huryo oo isna islaanta ku matalayey iyo riwaayada Awbustaale oo ku matalayey Sheekha burhaanta leh .

Waxa uu sameeyey heeso badan, waxa ka mida heesta hordhaca u ahaan jirtay idaacadaha Soomaaliya , hadana la maqlo ka hor wararka idaacada Radio Muqdisho iyo Telefiishanka SNTV.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS