Xukuumadda Muuse Biixi oo aan Wax Mushara Siin Shaqaalaha Dawladda Xilli ay Kordhisay Qaar Kamida Cashuuraha Dalka
February 4, 2018 - Written by admin
xukuumada cusub ee muuse biixi ayaan ilaa hadda wax mushahar ah siin shaqaale waynaha kala duwan ee dawladda kuwaas oo aan ilaa hadda qaadan mushaharadii dawladda.
xukuumadda muuse biixi oo qaar kamida agabka dalka yimaada ee qaadku kamid yahay cashuurta ku kordhisay ayaan hadana ilaa hadda bixin wax mushahara oo shaqaale dawladeed ah
waxaana xukuumadii tan ka horaysay lagu xusuustaa inay shaqaalaha dawladda msuaharka siin jirtay 31-ka bisha halka xukuumadda muuse biixi ay ilaa hadda awoodi la’dahay bixinta mushaharadda shaqaalaha dawladda oo ah mid muhimadiisa leh islamarkaana kamida hawlaha ugu horeeya ee looga baahanyahay inuu degdeg u xaliyo madaxwayne biixi iyo xukuumadiisu
isku soo wada duuboo madaxwaynaha cusub iyo xukuumadiisa ayaan midna waayo aragnimo u lahayn nidaamka dawladnimada waxaanay taasi keentay in xukuumadda ilaa hadda la daalaa dhacdo meelihii ugu fududaa ee ay ahayd inay mar hore ka faraxalato.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS