BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumada Somaliland Oo Qorshaynaysa Inay Taageerto Mooshin Xilka Lagaga Qaadayo Maayarka Caasimada
February 17, 2018 - Written by admin

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa  daaha ka rogay dhaq dhaqaaq xoogan oo ay Madaxtooyaddu wado oo ay ku doonayso inay xilka Maayarnimo ka wareejiso Maayarka Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco) iyadoo dhinaca kalena wararka aanu helaynaa ay sheegaan la laayahay cidii lagu badeli lahaa marka loo eego Mudanayaasha Golahaasi ka tirsan oo wax dhaamaba laga laayahay Soltelco oo Xilkaasi qaban kara,Waxaana arintaasi laga dareemayaa Xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo Maayarka oo isaguna dhinaciisa dadaal ugu jira inuu arintaasi iska caabiyo.

soltelko ayaydhalay

Madaxtooyada Somaliland ayaa si weyn diirada ugu haysa inay wax ka badel ku samayso hanaanka shaqo ee ay u shaqeeyaan iyo waliba hanaanka hogaamineed ee maamul ee Goleyaasha

Deegaanka Somaliland gaar ahaan kuwa caasimadaha waa weyn ka jira,waxaana si weyn loo hadal hayaa oo ay maalmihii u dambeeyay Madaxtooyaddu ku mashquulsanayd isku dubaridida qaabkii xilka looga Wareejin lahaa maayarka Golaha Deegaanka Hargeysa ahna Duqa Caasimada Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), arintaasi oo si weyn uga dhex guuxaysa Xildhibaanada Golaha Deegaanka Dawlada hoose Ee Hargeysa iyo waliba madaxtooyada islamarkaana si waadax ah dibada ugu soo baxday iyadoo dhinaca kalena laga dareemayo jawiga uu maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Maayar Soltelco.

Warar xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in rag door ahi guclo orod ugu jiraan inay booskaasi tartan u galaan iyagoo xidhiidho kala duwan la samaynaya Madaxtooyada iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Muj Maxamed Kaahin Axmed oo ah masuulka ugu dhaw ee saaxiibka dhaw la ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,islamarkaana si dhib yar u fulin kara Qorsheyaal kasta oo dhinaca madaxtooyada kasoo fula lagana soo go’aamiyo balse waxa la hadal hayaa inaan wali si rasmi ah loo hayn cidii badeli lahayd Maayar Solteclo iyadoo illaa hadda uu dibada u soo baxay Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdilaahi (Dogox) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa kaasi oo todobaadkii hore kulan khaas ah Madaxtooyadda kula yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi, Kulankaasi oo tuhuno badan oo isbarkan ka dhex dhaliyay golaha Deegaanka Hargeysa. Xildhibaano kale oo iyagana uu damaca Kursigani hayo ayaa la sheegayaa kuwaasi oo aan wali soo shaac bixin balse loolan hoose wada.

Maayar Soltelco ayaa dhinaciisa laga dareemayaa xaaladan soo korodhay waxaana uu maalmihii u dambeeyay ku mashquulsan yahay dadaalo uu ku doonayo inuu kaga hortago qorshayaashan xilka lagaga tuuraya oo la sheegay inay ka soo fulayaan Aqalka Madaxtooyada isagoo bilaabay xod xodasho iyo xidhiidho hoose oo uu lasamaynayo Madaxtooyadda iyo isagoo dhinaca kalena muujinaya shaqo wanaag iyo dardargalin uu boodhka kaga jafayo jiddad badan oo xidhnaa muddo dheer oo uu arintan kaga faa’iidaysanayo,si uu u muujiyo inuu la jaan qaadi karo dar darta horumarineed ee ay Xukuumadda Muuse Biixi wado.

Source:- Foore

COMMENTS