BALIGUBADLE MEDIA
Xog Ku Saabsan Halka Laga Carqaladeeyay Mahsruucii Biyaha ee Xumbo Wayne + Masuuliyiinta Qaranka Ugu Sareeya oo Saamayn Ku Leh
February 16, 2018 - Written by admin

mashruuca biyaha xumbo wayne waa mashruuc soo socday shantii sanno ee u dambeeyay waana mashruuc ay bixisay haayadda imaaraatiga ah ee khaliifa foundation mashruucan oo ahaa mid balaadhan islamarkaana si habsamia u socday
mashruuca ayaa ka soo bilaabmay ceelal laga sameeyay deegaanka xumbowayne kuwaas oo markii dambe lagu xidhay dhuumo waawayn oo biyaha ka soo qaadaya ceelka islamarkaana keenaya bariga iyo koonfurta hargeysa

top news

mashruuca waxa ku ragii hawsha ugu wayn ka waday ee xaga xukuumadda ku jiray mdaxwayne ku xigeenka somaliland iyo maareeyihii hore ee wakaaladda biyaha hargeysa ibraahin siyaad yoonis madaxwayne ku xigeenka ayaa isagu boqolkiiba boqol ka raali ahaa inuu mashruucaasi si habsamiya u hirgalo

mashruuca oo si wanaagsan u socda islamarkaana la filayay inuu gunaanad noqdo ayaa sanadkii 2015 waxa bilaabantay sheeko odhansa mashruuca haloo duwo dhinaca geedeeble oo biyuhu ha iskugu tagaan halkaas waxaana masuuliyiintii arimahaas ku ololaynaayay kamid ahaa maareeyihii hore ee wakaaladda biyaha ibraahin siyaad iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda maxamed biixi yoonis

balse waxa mashruuca carqaladeeyay masuuliyiin waawayn oo ay kamid ahaayeen madaxwyanaha hadda muuse biixi oo wakhtigaas ahaa gudoomiye xisbi, maxamed biixi yoonis maareeyihii hore ee wakaaladda biyaha iyo masuuliyiin kale oo fara badan kuwaas oo  dhamaantoodba ka soo jeeda isku deegaan.

dhanka kale waxa jira dagaalo qarsoon oo lala galay mashruuca biyaha ee xumbo wayne kuwaas oo kalifay ilaa heer xukuumadeed in la isku khilaafo oo dagaal adagi ka dhex istaadhmo xukuumadii hore oo u kala qaybsantay waqooyi iyo koonfur

waxa jira masuuliyiin xildhibaano iyo wasiiro iskugu jira oo ay ahaa 14 masuul kuwaas oo dhamaantoodba saxeexay mashruucaasi inuu hirgali balse waxa wakhtigaas saxeexa diiday maxamed biixi yoonis oo wkahtigaas ahaa wasiirkii arrimaha dibadda somaliland isagoo ku andacoonayay in biyaha la mariyo dhinaca geedeeble

intaas uun laguma joojin dagaalka qaawan ee lagu hayay mashruucane waxa la bilaabay in shirar hoose lala yeesho odayaasha deegaanka mashruucu ka socday ee xumbo wayne kuwaas oo lagu soo shubay sheeko odhanaysa biyihiiniibaa deegaano beel heblaayo iyo beel heblaayo la gaynayaa marka ay dhuumuhu biyaha qaadaana way gudhayaan ceelashiinu waxa arimhaas iyo qaar lamidaba dadka ku akhrinayay masuuliyiin waawayn oo dagaal adag kula jiray mashruucan.

ibraahin siyaad maareeyihii hore ee wakaaladda biyaha ayaa xilli uu dagaal adag ka galay mashruucaas wuxuu mar uu shalay warbaahinta la hadlayay iska dhigayay nin daacad ah oo wanaagsan arintaas oo ayaan darro ku ah umadda.

isku soo wada duuboo ma jiro mashruuc fashilmay balse waxa hubaala in si badheedha bulshadda ku dhaqan koonfurta iyo bariga hargeysa loogu diidanyahay inay biyo cabaan islamarkaana ay arintaas ku lug leeyihiin masuuliyiin isku deegaana oo uu ugu horeeyo madaxwayne muuse biixi hadaba sideebuu madaxwayne ugu ahaan karaa bulsho uu u diidanyahay inay biyo cabaan.

Axmed Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa

 

COMMENTS