BALIGUBADLE MEDIA
Xog Faahfaahsan oo Ka Hadlaysa Saamiga Rasmiga ah ee Muuse Biixi Ku Leeyahay Shirkadda Somaliland Investment Company.
February 22, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland ayaa wali iskaga guda jira musuqmaasuq baahsan oo uu labadii bilood ee u horeeyay ka sameeyay dalka isagoo lacago xaddi badan durba ku dhacay saxeexa madaxwaynenimadda.

muuse biixi

madaxwayne biixi ayaa saami 35% ah ku leh shirkadda somaliland investment company waxaanu saamigaas ku qortay oo uga shaqaynaya madaxa shirkadda sagal jet cabdi yuusuf aar kaas oo shirkadda uga wakiila kagana hawl galaya saamiga uu madaxwayne biixi ku leeyahay shirkadan oo ah mid ay maalgalinteeda leedahay dawladda imaaraadku islamarkaana lagu sheegay shirkad dawladdu leedahay balse ah shirkad ay si gaara u leeyihiin wasiirka arrimaha dibadda somaliland, safiirka somaliland ee imaaraadka iyo madaxwayne muuse biixi.

arintan ayaa lafjab ku ah qaranka somaliland waxaana madaxwayne biixi durba badhtanka u galay boobka hantida umadda.

waxa kale oo xusid mudan in maalintii isniintii ee todobaadkan uu madaxwayne biixi lacag 15 milyan ah oo hordhaca uu ka qaatay madaxda shirkadda dp world lacagtaas oo mr biixi jeebkiisa gaarka ah ku shubtay si kastaba ha ahaatee musuqmaasuqa uu labadii bilood ee u horeeyay ku kacayo madaxwayne muuse biixi ayaa ah mid aan indhaha laga qarsan karin waxaana gabi ahaanba halkaas ku soo gabagaboobay wajigii is yeelyeelka ahaa ee muuse biixi waxaanay durba bulshaddu arkaysaa wajiga kale ee musuqa iyo boobku ku dheehanyahay ee madaxwayne muuse biixi la soo baxay laba bilood iyo dheeraad  kadib markii kursiga loo dhaariyay

Baligubadlemedia kala soco dabagalka boobka hantida umadda ee muuse biixi ku kacay muddo gaaban gudaheed.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS