BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiga Taladda Itoobiya Haya ee EPRDF oo Is Casilaadii Ka Aqbalay Raysalwaraase Hailamrian Dselenge
February 16, 2018 - Written by admin

Guddida fulinta ee xisbal-xaakimka Itoobiya ee  EPRDF, ayaa ka aqbalay istiqaaladii  Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, oo maanta iska casilay xilalkii Ra’iisul-wasaaraha dalka iyo Guddoomiyaha xisbiga talada haya.

news deg ah

sarkaalka u hadlay Xisbiga EPRDF

Siday faafisay wakaallada wararka ee ENA, Madaxa xafiiska guddida fulinta ee xisbiga EPRDF, Mr. Shiferaw Shigute,  ayaa xaqiijiyey galabta guddida fulinta xisbigu ka aqbaleen iscasilaadii Hailemariam uu kaga wada tagay xilalkii Ra’iisal-wasaarenimo iyo guddoomiyihii xisbigaba.

Mr. Shiferaw  Shigute ayaa caddeeyey in iscasilaada Ra’iisul-wasaaruhu aanay mushkilad ku noqonaynin xisbiga iyo dawladda Itoobiya labadaba.

Hailemariam ayaa tilmaamay inuu xilka sii hayno ilaa inta baarlamaanka iyo xisbal-xaakimku ayidayaan istiqaaladiisa. Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya wuxuu isku casilay rabshadaha ka socda dalkaas  ee qowmiyada Oromada oo sii xoogaystay oo dalkaas gelisay deganaansho la’aan siyaasadeed oo ugub ku ah taariikhda Itoobiya.

Hailemariam Desalegn, ayaa xilka loo dhaariyay September 2012, kadib markii uu geeriyooday ra’iisul-wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS