BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Cidda Lagu Wareejinaayo Guddoomiyenimada Xisbiga
February 22, 2018 - Written by admin

Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel) ayaa waxaa u markii ugu horeysay uu ka Hadley cida lagu wareejinaayo gudoomiyaha xisiga KULMIYE.

kulmiye

Jaamac Shabeel ayaa sheegay in cidii uu madaxweyne Muuse Biixi ku wareejin lahaa xisbiga Kulmiye ay hadda xukuumadiisa ka mid tahay oo uu yahay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.
“Madaxweynuhu yuu ku wareejin lahaa dee, cidda uu ku wareejin lahaa dawladii ayuu kula jiraaye, labadii nin ee isku wareejin lahaa labadiiba dawladda ayey iskula jiraan, yaa uu ku wareejinayaa markaas ” ayuu yidhi Jaamac Shabeel

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS