BALIGUBADLE MEDIA
Xarunta CPJ Oo Soo Bandhigtay Tirada Wariyeyaasha La Xidhay, Mareegaha La Xanibay,Wargeysyada Xidhan Iyo Fariin Ay U Direen Madaxweynaha
February 27, 2018 - Written by admin

Xarunta ilaalinta suxufiyiinta ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano CPJ (Committee To Protect Journalist) ayaa madaxweynaha somaliland ugu baaqday inuu muhiimada koowaad siiyo ilaalinta warbaahinta madaxa banaan.

cpj

Xarunta CPJ ayaa warqad furan oo ay u soo dirtay madaxweyne Muuse Biixi waxa kale oo ay ku soo bandhigtay tirada suxufiyiinta ee la xidhay mudadii uu talada dalka hayey iyo tacadiyada loo gaysto warbaahinta madaxa banaan ee somaliland.

Xaruntan CPJ ayaa madaxweynaha xasuusisay sida uu dastuurka qaranka somaliland u damaanad qaaday madax banaanida saxaafada taas oo muhiim u ah dimuqraadiyada dalka, waxaana warbixintan  lagu sheegay in mudadii koobnayd ee uu

madaxweyne Muuse Biixi talada hayey ay xukuumadiisu ku guul daraysatay inay taageerto madax banaanida saxaafada.

CPJ ayaa sheegtay In xog ururin ay samaysay ay ku ogaatay in mudadii madaxweyne Muuse Biixi talada hayey la xidhay suxufiyiin gaadhaya lix kuwaas oo lagu xukumay xadhig kala duwan iyo ganaax lacageed, waxaana xukuumada si adag loogu dhaliilay xadhiga ay u adeegsatay shan mareegood oo wararka ku faafiya Internet-ka kuwaas oo shirkadaha isgaadhsiinta lagu amray inay hawada ka saaraan.

Sidoo kale xarunta CPJ ayaa soo bandhigtay warwarka laga qabo wargeysyada  ilaa hada xidhan ee Haatuf, Hubsad, Codka Shacabka iyo xanibaadii la saaray baraha bulshada wakhtigii lagu guda jiray doorashadii madaxtooyada somaliland, taas oo ka hor imanaysa xuquuqda bin aadanka.

Halkan Guji Si Aad U Akhrisato Warbixinta CPJ

COMMENTS