BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Somaliya Maxamed Cabdilahi oomaar oo Safar Ku Yimi Hargeysa.
February 13, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa cafis u fidiyay Wasiirkii arrimaha dibadda ee dawlada Somaliya ee sannadihii 2010 –2012 Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, kaas oo hadda ka tanaasulay fikirka midnimadii burburtay ee Soomaaliya.

oomaar

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in siyaasigan oo ka soo jeeda reer Cabdillaahi Oomaar oo ay isku beel yihiin muuse biixi shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu madaxweyne Biixi aqbalay codsi uu soo qortay oo uu ku dalbaday in la cafiyo kaas oo madaxweynuhuna u qoray cafiska uu dalka ku yimid.

Siyaasigan oo ah nin dhallinyaro ah ayaa wuxuu wasiirka arrimaha dibadda ka noqday dawladii uu soo dhisay Sheekh Shariif markii Djibouti loogu cimaamaday madaxweynaha Soomaaliya sannadkii 2010, waxaanu xilkaas hayay muddo ku siman laba sannadood.

Mr. Oomaar ma noqonayo siyaasigii u horeeyay ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tanaasula fikirkaas midnimadii burburtay ee lixdankii dhex martay Somaliland iyo Somaliya, waxaana la filayaa inuu warbaahinta la hadlo inta uu magaalada Hargeysa joogo oo uu uga cadeeyo mawqifkiisa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS