BALIGUBADLE MEDIA
Wasiir Ka Tirsan Dawlada Soomaaliya Oo Shuruud Ku Xidhay Inuu Sii Aaminsanaado Midnimada.
February 24, 2018 - Written by admin

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shuruud ku xidhay ku sugnaanshaha wadanka Soomaaliya.

Wasiir Maareeye oo ka hadlayey munaasibad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagaga hadlayey sidii ay soomaaliya uga qabsoomi lahaayeen doorasho hal cod iyo hal qof ah ayaa sheegay in loo baahan yahay in daacad laga noqdo wada hadalka somaliland iyo soomaaliya.

xayir

Wasiir maareeye ayaa sidoo kale sheegay inuu u taagan yahay midnimadu, waxaanu soo bandhigay faraqa u dhaxeeya hanaanka doorashooyinka somaliland iyo soomaaliya “Somaliland nidaam ahaan way ka horaysaa koonfurta marka la eego doorashooyinka, waxaanan doonaynaa inaanu somaliland iyo nidaamkooda oo kan

ka horeeya ku keeno nabad iyo wada hadal taasna haka hor dhicina , anigu waxaan ahay wakiil siyaasadeed oo u taagan midnimada laakiin dalkii iyo dadkii waa layga haystaa, waxaanan doonayaa inaan u taagnaado in dad soomaaliyeed oo midnimo rabaa ay wali jiraan.”

Wasiir Maareeye oo shuruud ku xidhayo inuu sii jooga dawlada soomaaliya iyo Muqdisho ayaa waxa uu yidhi “Hadaan u arko in la sii dhakrayo aniguna waan tagayaa, waana in daacad laga yahay nidaamkaas, waana in daacad laga yahay wadda hadalada, waa in daacad laga yahay in somaliland ay ku timaado wada hadal ku yimid Isfahan, heshiis iyo wax wada qaybsi ee aanay ku iman dawlad bac ah oo koonfurta laga sameeyo yaanay ku iman taas, way ku sii didayaan wadda hadaladuna way burburayaan waxbana kuma gaadhayno.”

Ugu dambayn wasiir Maareeye ayaa fariin u diray guddida doorashada ee dawlada soomaaliya waxaanu mar kale yidhi “Nidaam ayuunbaa dadkan u taagan midnimadu ay uga qayb gali doonaan doorashada  oo idinka iyo madaxda kale ee dawladu ay sameeyaan laakiin ma odhan karno somaliland ayaan gobolka Banaadir ku soo xaraynaynaa oo doorasho galaysa, waxaana dardaaran iga ah in guddidan ay laba jeer fikiraan, ha keenina in midnimada, dib u heshiistan la wado iyo wanaaga la wado ay gacmihiina ku burbburaan.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS