BALIGUBADLE MEDIA
Wasaaradda Hawlaha Guud oo Joojisay Dhul Dawladda Hoose Qorshaynaysay Iyo Awooda Soltelko oo Maraysa Inuu Go’aamadda Xukuumadda Buriyo
February 27, 2018 - Written by admin

Wasaarada hawlaha guud guryeynta ayaa maanta amar ku joojisay dhul ay qorshaynaysay dawlada hoose ee caasimada Hargeysa oo ku yaala buur ku taala dhinaca galbeed ee magaalada.

Masuuliyiinta wasaarada hawlaha guud oo uu hor kacayo agaasimaha ayaa markii ay goobta gaadheen waxay joojiyeen qorshayntii ka socotay dhulkaasi iyaga oo xabsiga u taxaabay darawalkii waday caga cagaf hawl gal ka waday.

Agaasimaha guud ee wasaarada hawlaha guud Mukhtaar Maxamed Cali iyo oo ka hadlay hawl galka ay waday dawlada hoose ee joojiyeen ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu halkan ku joojinay qorshe sharci daro ah oo lagu

qorshaynayo dhul buur ah kaas oo laba sharci daro ah, waayo marka  aynu eegno xeerka maamulka dhulka magaalooyinka ee 17 kaas oo qodobkiisa 7aad faqradiisa 4aad sheegayso in dhulka  jeex jeexyada iyo togagu aan loo aqoonsanayn beer, beertuna waxa weeyaan waxa la falay ee dalaga leh, dadka waxa beer ahaan loogu qorshaynayaa meel aan beer ahayn oo dan guud ah, buurtana sharci ayaa marka hore ka dhigaya dhul dan guud ah, dadkuna waxay caadaysteen in buur dhagax ah la yidhaa waa beer taas oo caqliga bina aadamka cayn ku ah.”

Agaasime Mukhtaar oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in hore loo joojiyey qorshaynta dhulka waxaanu yidhi “Hore waxa loo joojiyey oo digreetooyin uga soo baxeen in mudo afar bilood ah la xidhay qorshihii dalka, iyada oo qorshihiina xidhan yahay ayaa maanta si dhuumasho ah oo tuuganimo ah loo qorshaynayey dhulkan, waana la arkayey iyaga oo sii yaacaya qoladii dawlada hoose markii aanu nimid.”

Agaasime Mukhtaar ayaa soo bandhigay talaabo ay wasaaradu ka qaaday cagaftii hawl galka waday iyo darawalkii waday waxaanu yidhi “Waxaan u sheegayaa inaanu cagaftii la wareegnay, darawalkiina wasaarada hawlaha guud iyo ciidanka ayaa la wareegay oo xidhaya, waxaanan u sheegayaa dadka laga kiraysto cagafyada ee qorshayaasha sameeya waxaan uga digayaa inay hantidooda ku lumin doonaan qorshayaal sharci daro ah oo ay samaynayaan/”

Ugu dambayn agaasime Mukhtaar ayaa soo bandhigay heshiis u dhaxeeyey dawlada hoose ee Hargeysa waxaanu yidhi “Qolada dawlada hoose heshiis ayaa noo yaalay kaas oo aanu ku heshiinay in la xidho cidii arimahan ku kacda oo ay golaha deegaankuna sidaas ku ansixiyeen laakiin garan maayo halka uu arinkani ka yimid laakiin arinkaas maanta lagu kacay waa mid gaf ku ah xukuumada iyo qaranka, waxaanan rajaynaynaa inaanu talaabo ka qaadi doono cid kasta oo kul kacda fal noocaas oo kale ah  iyada oo la xidhi doono sharcigana lala tiigsan doono cida ka shaqaynaysa iyo cida galaysaba.”

Sidoo kale agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada hawlaha guud Ciise Maxamed Ciise oo ka hadlay hawl galkan ay dawlada hoose waday ee ay joojiyeen ayaa waxa uu yidhi “Bulshada somaliland waxay aad uga war haysaa inuu ku tagri fal badani ka dhacay dhulkii danta guud ahaa, waxaana maanta la arkayaa cagaftii oo ku jirta meel hargeysa galbeed ka xigta 3km, dawlada hoose-na maamulkeedu waxa uu ku eeg yahay afarta koontarool ee magaalada Hargeysa”

COMMENTS