BALIGUBADLE MEDIA
War_cimraan:
February 19, 2018 - Written by admin

safar qaatay 300 oo km ayaa ka bilaabay magalada hargaysa maalintii khamiista waa 9:00 kii subaxnimo , gaadiidku waa bari iyo galbeed wuu buuxa ka soo yeedhay habeeyihii gaadhiga aanu fuushananayn ka dib wuxuu  afka saaray wadada dhanka bari uga baxda magalada hargaysa aniga halkaan u jeedaa ee aan u socdaa waa degmada warcibraan balse waxaa ka sokeeya jiid dheer oo  safar ahaan lagu marayo gelin horeba waxaan ka gudubnay maroodi jeex iyo saaxil oo dhan waxaan isha la soo dhacay wixii isoo jiitay iyo wixii indhuhu karheen labadaba, buuraha khiekh ayaan kaga gudub nay nabad qab burcana waxaan galay sadexdii galabnimo booqasho kooban oo aan ugu tagay qaar ka mid ah qaarabada ayuu ku soo afmeermay waqtigii maalintaa la baxday maalin tii safarka xanuunku wehelinayay waayo gaadhigii ayaan ku xanuunsaday sidii islamaha reer miyiga ah
Hurdo daal safar ku jiro ayaan seexday habeenkaasna intaas ayuu ku dhamaaday waxaana bilaabmay maalin jimca ah jumca mubarak ayaan indhahayga ku batay maraan furay waji buuga saaldii jumacaha oo aan tukaday, qado aan ku dhuftay, istaanka baliwaynta oo aan iska xaadiriyay waayo anigu ma ahayn wiil shaqo u socda oo vx ku safraya ee markiiba waxaan isha la helay gaadhi dhayne ah darawalka waxaa la yidhaahdaa laba wade kirshbooguna wuxuu ahaa qoorgaab adan ,kaas oo ujeedadiisu ku dhamaato halkaan u jeeedayisagoo kasii gudbaya dhakool, ina afmadoobe,unuunlay, magaalo yar, qoryaale, yasir iyo ateeno kadibna wado walwal ah oo afka kaa gali naysa warta sheekha ayuu ila qaniinay wixii aan intaa kala kulmay hadaan indha indheeyey waxaa kamid ahaa.
Markaan burco uga baxay dhankaa bariba waxaan jawiga cimilada iyo xiliga lagu jiro oo aan marka hore iska ilowsanaa ka fahmay inuu yahay bilowga jilaalka oo ay dhamaatay dayrta maalintii waa kulayl gaadhsiisan 31c habeen kiina waxaa la dareemaa dhaxanta feberwari .
Tuulooyinka ku taxan laamiga markaan isha marinayay wax wayn oo aan ka sheego maan arag cid aan kala sheekaystana maan arag marka laga reebo geedaha lamaaiga hareer yaaca markaad gaadhi dheereeya ku safraysid kuwaas oo kuu sheegaya war aanad maqlaynin oo dabayli qulbayso laakin markii aanu laamiga ka degnay waxaan la kulmay isbedel cusub halkii wado raf ah aan cagta la saari jiray maalintan hadana waxaan la bilaabmanay wado kale oo laami ah oo ku dhamaatay dixda ceelasha leh ee degmada qoryaale halkaana waxaa ku bilaabmatay wadadii aan aqaanay oo aan anigu ula baxay habaar waalid oo gar ah intaan taas ku jiray waxaan arkayay dhowr geed oo waryare ah maygaag isku cufan oo aan hadal ba ka soo baxayn,sarmaan iska seexatay cadaad lamaa fidisay oo xabagtii yadu isku nafaqaysay wax dadka iyo duunyo ah na waxaan arkay nin gudin la dul taagan geed iyo mid kale oo aad moodi inuu naqayo gar eexo oo aanu qabanayn saaxibkiisan gudinta la gariiraya mid yar geed saarana shaahidtu waan arkaayay xoolaha firigoodu ma xuma yac buuran wadada hareereeda ayay taagnayd , xooluhu ma firi xumayn wax baahiyina kama muuqan waxay carabka ku qaadayeen xaabka caleenta dhirta ee qalashay iyo dhilbiisha  oo ay ku soo kabadaan biyo, xayawaanka duur joogta ayaa yaguna ku faraxsan in xooluhu iska.ladan yihiin waayo kuwaas ayay wax ku leeyihiin intaan istaagnay ragii aan kula kulanay waxay dhilanayeen caqaar ama niic kolba intii caagada ay sitaan ugoyso, ee ay dhex galagalanayaan baydh ama laba baydh caano isugu jira nooc walba xataa riyaha dhaqayada waa lagu jabqiyay  taaso ka murqaan badan geed ka jebiska ah ee lagu cuno hargasa ama burco
Xaga maceeshada waxaan baayacay waxaa jiray caano geel oo aan kula kulmay tuulada yasir iyo tan kale ee ateeno sakaaro kuwaasna waxay ahaayeen sideed kun oo shl ah waa qaali laakin waxay ahaayeen nadiif markaan intaas dhaafnay waxaa dhirtii oo dhan bugaaxday oo sidaa u kala seexisay cagaf sheerwal ah waxaa la banaynayaa wado laami ah  oo ka bilaabmaysa ateeno laakin uma muuqato mid fulaysa mana laha dad fulin kara hawshaas w ee waa samankii dabar goynta bilcinka iyo qabsaxa yadoo loo adeegsanayo dhamaan hubka noocyadiisa.
Waxaan soo gaadhnay war. Cibraan , magaca warcibraan waa laba magac oo isku xidhma waa “war ” waa bali ama dhaan hadba sidaad u taqaan “cimraan “waa magac oday ay ku abtirsadaan qayb ka mid ah dadka degan degmadan waana maxamed sh isaxaaq , waxaa la asaasay abaara 1930 yeedadii waxaa asaasay qoys qudha oo markaa saamayn badan ku lahaa siyaasada iyo dhamaan talada maamul ee guud ahaan somalida oo waa reer diiriye oo ah oday diiriye rooble xasan iyo inamadiisii nuur iyo cabdi kuwaas oo ku soo dhaweeyey inay la degaan cidii ay markaa u arkayeen inay isla fal gali karaan ee deegaankooda ka mid ahaa waxay soo martay maraaxil badan  imikana waxay ku magacaaban tahay degmo derejada hoose ah oo ah kuwan loo yaqaan “cod ma haysaa”.
wax is bedel ah oo cusub oo aan sheego maan arag waa sidaan ku garaadsaday oo imika mudo laga joogo sodon sano, marba xili aan ka maqnaado aanan arag wax indhaha ku cusub ma garan sababta markaan u fiirsato waxa wacay .
waxaa kuu soo baxaya degaanka imika u badani inaanu ahayn asalka sida ay kuu sheeganayaan adigoon siiba waraysan ayaa qaarkood kugula soo boodayaan waxaanu nahay axmaarada itoobiya iyo yuhuudii ingiriisku ku beeray somaalida dhexdeeda oo isku soo uruursatay agaan loo yaqaan baliwayn gaar ahaan warcibraan waanad kaba dareemaysaa dadka dhaqankooda ficilkooda iyo hadalkooda oo u badan hebelkii runta ahaa iyo kii beenta ahaa, kan saxda ah iyo kan khalad ah marka la arko waxaad ka dareemaysaa shaki oo waxaad moodaa ugaadh la didiyay kadib laga hadhay oo isa soo tubtay oo ku soo wada eegtay waayo waxay u badan yihiin sirdoon aanad garanayn waxay ka shaqeeyaan oo magaladan yar ka qabtaan inta badan waxay u eegyihiin dadkii la yaqaanay oo markii hore halkan deganaan jiray cid asalkii magalada ah ee aan shaki sanayn waxaan kula kulmay afar nin oo kala ah khayre bulin ,tarajay,cartan qaalib iyo qataar waana niman diiday inay magaladan warcibraan iskaga tagaan kadibna waa waalan yihiin halhaysta ay ku gabadaana waa” waxan ahay nimanka iska waal waalan”waxbaana ka keenaya inay hadaladan adeegsadaan  waa baqdin sidoo kale waxaan mar danbe oo ka soo baxayay la kulmay axmed dalacane, waxaa kula kulmay xamaasad aan aad u buurnayn oo uu keenay khilaaf ka dhashay sarfayn iyo wado saarid loo maaro waayay waayo town balaan magaalo cusub lama dhigayn ee waxaa la hadlayay labada sekedood ee aan dheereyn , rasaas ayaa kala gaadhay dhinacyadii is khilaafsanaa , gaadhi taayirada ayaa laga toogtay balse waxaa lagu soo gabagabeeyey in layska dhaafo howsha oo muhim u ahayn degmo sidan oo kale ah, waxay indhahaygu ku dhacayeen calaamado muujinaya dhinaca wax barashada skuul nidaamiya iyo madarasd quraan labada waa mawjuud .
Markii aan tagayba waxaan guda galay howlihii aan u socday, doonista cadaawe buur ayaan ugu horeysiiyay oo aan bilaabay markaan.gaadhigii ka degay balse maalintaa sidaa ayuuu gabalkii ku dhacay.
Cadaawe buur waa awr baarqab ah waxaa dhashay hashii buluug oo sanad dhawayd lay soo sheegay geeridideeda waxaa ka dhalay madoobe cokane ,madoobe cokane waa awrkii aanu isla yaraan jjirnay markaan miyiga joogay ee aanan ka degay wuxuuna.ahaa awrkayaga kaliya galabtii marmar ayaan baarkisa ku gam,i jiray intaan ka soo fuulo goodiga xaaji yuusuf
Caadawe waxaan helay galabtii labaad  oo aan ugu tagay boocda banwaynaha buulalay subaxdii labaad waxay soo bandhogidii awrkaas oo aan iib ku raadinayay , gacanta oo go, ama cumamad ku hoos jirta markii cabaar laysu dhiibay waa lagu heshiin waayay wXaana laygu jawaabay amar soo dhacay awgii inaan awrkan lagu iibsanayn war_cimraan markaad amar maqasho waxaa loogaa jeedaa mid shimi kara hadii la wado hawshaa laga soo saaray amarka
Talo igu yara cadaatay ka dib waxaan go,aansaday in aan awrkayga meel uun u iib gaysto gaadhi aan doon doon wuxuu noqday sidii iibkiisa oo kale si aan ugu soo qaado saylada burcana maaha suurgal , waxay noqotay in aan raadiyo jiho kale oo la eego waxay noqotay in aan awrkiiba si qarsoodiya ugaga amaahdo waxaan doonayay nin aanan magaciisa sheegayn wixii aan u baahnaa wax ka mid ah aan ka soo qaato .
War_cimraan oo ah halkaan ku dhashay waxaan ka imi anigoo nabad qaba xoogaa kharash ah sita ,cadowgiina jabay.
Waa kee cadowga jabay ?
cadow weerarsan nafta ,cadow u suxul duuban sidii uu u dili lahaa naf aan waxba galabsan , cadow  u maraya dariiq walba oo uu karo sidii u fulin lahaa dilka uu wado, isticmaalka hubka culus dhamaan xataa ka loo yaqaan ka wax gumaada , sunaha xun xun ,rasaasta ashkhaasta disha , tiknilojiyada casriga sida laysarka faafiya cudurada, la dagaalama koritaanka jidhka ,shubashada dhiiga iyo dheecaanka qofka ,soo ururinta naago buur buuran oo culculus oo ah hubkooda ugu danbeeya kuna tababaran sidii ay labadooda bawyood dhexdeeda loogu dhiman lahaa iyo dhamaan dadka xaasidiinta ah ee xaasida dadaan wax laga xaasidaba hayn .
markuu intaaba kari waayay ilayn waa bini aamame oo cismdaan alle dilayn ma dili karee waa cadow miciinsaday, waxyaabo daciifa sida cadaawad falin ta dad ducafada ah ee la dhacsan saan cadaaalayasha umada iska meegaartay halhaysna ka dhigtay gaalada sudhan.yagoon sababaynayn, hungi galinta isla dadkaas liita ,kala dagaalanka dhibanaha dhamaan dhinacayada nolosha sida wax barashada , shaqada, hoyga ilaa cuntada afka loo cuno Waa cadow anagaa aragnay….
By: koomati cabdilahi nuur (sutti)

COMMENTS