BALIGUBADLE MEDIA
TAFARAARUQ IYO KALA DAMBEYN LA’AAN XISBIGA WADDANI KA SOO IFBAXDAY
February 21, 2018 - Written by admin

Waxaa markii ugu horeysay dibadda u soo baxday tafaraaruqa iyo kala dambeyn la’aanta ka jirta gudaha Xisbiga mucaaridka ee Waddani ee SL.

Arintan ayaa soo ifbaxday kadib markii doraad oo bishu ahayd 19 february, war saxaafadeed uu Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade uu qabtay, su’aal laga weydiiyey sida ay u arkaan muwaadin reer Somaliland ah Ex-wasiir Max’ed C/laahi Cumar, oo hayad caalami ah u shaqeeya, oo Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah Madaxda Soomaalida, taas oo uu xoghayaha Guud kaga jawaabay inuu yahay muwaadin reer Somaliland ah oo hayad caalami ah u shaqeeya, kulanka uu madaxda Soomaaliya la yeeshayna aanu waxba ka duwanayn kuwa uu la sameeyo madaxda kale ee africa, weliba shaqada hayadooduna waa dhexdhexaadin.

Saxaafada ayaa ku celisay, ka waran hadduu Xisbiga Kulmiye ka tirsan yahay? taas oo uu ku soo gaabiyey “haday jirto waa khalad”.

Kala dambeyn la’aanta Xisbiga ayaa dibada u soo baxday kadib markii shalay galab shaashada TV laga daawaday Sarkaalad Xisbiga Waddani ka tirsan oo Faadumo Siciid lagu magacaabo, oo fadhida Xafiiskii Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, islamarkaana naqdiyeysa hadalkii xoghayaha Guud ee Xisbiga.

Arintan oo ah sharaf dhac in Xisbigu iska daba hadlo, ayaa la filayaa inay horbaxanyo u tahay dhibaatooyinka ka dhasha dhicitaankii Xisbiga oo beryahanba siyaasiyiinta qaarkood saadaalinayeen.

Ex-Wasiir Maxamed C/laahi Cumar in hayadiisu wado xidhiidhka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi, waxaa warsaxaafadeed ku sheegay Madaxweyne Muuse Biixi, oo beryihii ugu dambeeyey ku mashquulsanaa siduu Somalia wadahadal ula furi lahaa. Sidaas darteed Xoghayaha Guud ee Waddani wuxuu aaminsan yahay in Wadahadalka Soomaaliya uu yahay dan guud oo Somaliland, M Muuse Biixina xaq u leeyahay inuu ciduu doono u adeegsado dhirin-dhirinteeda, sidoo kalena khilaafka siyaasada Xisbiyaduna aanay saameynin Qurbajoogta, muwaadiniinta hayadaha Caalamiga u shaqeeya iyo ganacsatada aan wax dhibaato ah wadanka ku haynin.

Dhanka kale xagjirka Xisbiga Waddani ayaa Xoghayaha Guud u arka inuu ku qanacsan yahay Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi, sababtay doonaan haysku qanciyeene, iyagoo ku xanta inuu xidhiidh dhow oo mudo dheer soo jireen ahaa la leeyahay Madaxweyne Muuse.

Sikastaba hayska ahaatee Gudoomiye Cirro ayey u taalaa sidii loo ilaalin lahaa, in aanay lumin kala dambeynta iyo nidaamka Xisbiga, si aanay u noqon meel xubin waliba qofkay neceb tahay u adeegsato.

COMMENTS