BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland oo Gacanta U Gashay Dalal Shisheeye, Gooni Isutaagii oo Mugdi Badani Hadheeyay Iyo Muuse Biixi oo Dilaalkii Ugu Waynaa Qaatay.
February 23, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland ayaa dawladda jabuuti kala shaqaynayay qorshe madaxwaynaha dalka jabuuti ku doonayo inuu ku mideeyo dalkii la isku odhan jiray somaliya madaxwayne biixi ayaa xaraashka qaddiyadda somaliland siistay lacag malaayiin dolar ah taas oo 50 milyan ee carbuunta ahaa uu soo qaatay safarkiisii uu bishii hore ku tagay jabuuti.

muuse kornayl

muuse biixi oo  lagu tilmaami jiray mujaahid dalka u soo halgamay wakhti adagna u soo maray ayaa shilimaad siisanaya qaranimadii iyo jiritaankii somaliland

dhawaan ayay ahayd markii farmaajo soo magacaabay taliyaha goboladda waqoyi ee jinsiyadaha iyo socdaalka taliyahaas oo ay isku beelyihiin kornayl muuse biixi sidoo kale muuse biixi ayaa xidhiidh hoose la leh madaxda federaalka somaliya kuwaas oo ay kawada socdaan qadiyaddii somaliwayn ee muuse biixi qaarkamida beelaha somaliland ku eedayn jiray

hadaba madaxwayne geelaha jabuuti ayaa wada qorshe balaadhan oo uu ku mijaaxaabinayo madaxbanaanida somaliland islamarkaana uu ku soo celinayo wixii la isku odhan jiray somaliwayn ku darsoo waxa la filayaa in dhawaan wadahadaladda ka furmaya jabuuti ee ku aadan somaliland iyo somaliya ay ka waji duwanaadaan wadahadaladii hore islamarkaana loo sameeyo waji cusub

isku soo wada duuboo somaliland ayaa maraysa marxaladii ugu xumayd waxaana guud ahaan qarankii xaraashaya madaxwayne biixi mudada gaaban kursiga ku fadhiyay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS