BALIGUBADLE MEDIA
Shir Dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleedyada uga furmaya magaalada Muqdisho
February 4, 2018 - Written by admin

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa dhawaan uu shir uga furmo dowladda federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka kaa oo looga wada hadli doono arrimo dhowr ah.

farmaajo

Kulanka ayaa la sheegay in labada dhinac ku falanqeyn doonaan arrimo ay ka mid yihiin dhaqan gelinta dhismaha ciidamada qaran, wadaaga kheyraadka, dib u eegista dastuurka, hanaanka doorasho ee hal qof iyo hal cod ee la rejeynayo in dalka ka dhacdo sanadka 2020.

Ilaa iyo maanta ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada.

Beesha Caalamka ayaa dareensan inay gaabis tahay howsha dastuurka iyo Doorashada 2020-ka, waxaana shirka warbixin la xiriirta hanaanka doorashada qof iyo cod uga dhici karto ka jeedin doona Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan.

Qodobadii kasoo baxay shirkii Muqdisho ee Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ayaan wax badan ka hirgelin, inkastoo ay degtay xiisadii ka dhex taagneyd maamullada iyo dowladda Federalka.

Shirkii ugu dambeeyay ee dhex maray Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa dhacay bishii November ee sanadkii hore.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS