BALIGUBADLE MEDIA
Shir Balaadhan oo Beelaha Arab Iyo Gerxajis Ku Dhex Maray Ingiriiska Iyo Qodobadda Ka Soo Baxay.
February 18, 2018 - Written by admin

Shir Balaadhan oo habeenkii xalay ahaa magaaladda london ee xarunta carriga ingiriiska ku dhex maray beelaha ARAB Iyo Gerxajis ee loo yaqaano mataanaha

shir g6 shirgabdisamad abdisamad2

shirkan oo ahaa mid balaadhan islamarkaana si qoto dheer labadda beelood kaga xaajoonayeen xaaladda khatarta ee dalku ku suganyahay iyo sidoo kale sida foosha xun ee saamigii dalka uu kornayl muuse biixi ugu boobay beesha jeegaanta ayaa markii dambe laga soo saaray qodobo adag oo lagaga midho dhalinayo sidii dalka looga xorayn lahaa gumaysiga cusub ee uu galay ee jeegaanta

shirkan oo ahaa mid saacado badan qaatay islamarkaana ahaa mid saamayntiisa leh ayaa laga soo saaray qodobo lu qotoma wax wada qabsiga labadda beelood  iyo sidoo kale sidii labadan beelood shir balaadhan ugu yeelan lahaayeen hargeysa islamarkaana ay ugu midoobi lahayeen dibu xoraynta dalka somaliland oo u muuqda inuu markale galay gacmo shisheeye oo ay hagayaan dawladdo shisheeye.

shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay isbedelo badani ka socdaan mandaqadda geeska afrika islamarkaana dawladii ugu awooda badnayd mandaqadda ee ethiopia ay shacabku cadaadis ku saareen is casilaad islamarkaana ay dunidu soo  dhaaftay wakntigii qoomiyadi qoomiyad xoog ku haysan jirtay ama beelo beelo kale xoog ku haysan jireen waxaana shirkan la iskula afgartay in guddi isku dhafa oo labadda beelooda la sameeyo islamarkaana guddidaasi ka hawlgasho sidii shirar noocan oo kale ah loola yeelan lahaa beelaha kale ee darafyadda si cadaadis xoog leh loogu saaro jeegaanta in dalka laga qabto

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS