BALIGUBADLE MEDIA
“Shiinaha Ayaanu Berbera Saldhig Militari Ka Siinayna,” Xildhibban Nac-nac
February 27, 2018 - Written by admin

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa si adag u difaacay saldhigga Imaaraadku ku leeyahay Berbera, islamarkaana sheegay in ay waddamo kale siin doonan Saldhig Militari. Xildhibaanka oo waraysi siinayay warbaahinta Goobjoog oo Somalia laga leeyahay ayaa si adag isaga difaacayay wariyaha waxaanu u sheegay in ay indho u yeeshaan saldhigyada Muqdisho laga siiyay dalalka Turkigu ka mid yahay inta aanay indho u yeelan kuwa Somaliland bixinayso.

xildhibaan nacnac

“Saldhigga Militari ee Imaaraadku si fiican buu u socda waliba xeebtayadu way weyn tahay oo in aanu xeebta dhinaca Bari dal kale siino ayaa laga yaaba oo dalkayaga xor baanu u nahay,” Sidaas ayuu yidhi XIldhibaan Nacnac oo wariyuhu sii waydiinayo cidda halkaas la dejinaya in ay Qadar tahay wuxuu ugu jawaabay “Maya ee Shiinaha in aanu dejino ayaa laga yaaba.”
XIldhibaan Nacnac ayaa mar kale la waydiiyay meesha Somaliland Saldhigyadeeda ka furanayso haddii ay shisheeyaha wada siiyaan dhulka waxaanu wariyaha ku celiyay su’aalo ku saabsan in ay indho u yeeshaan saldhigyada Somalia ay dalalka kale ku leeyihiin isaga oo Turkiga tusaale u soo qaatay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS