BALIGUBADLE MEDIA
Shaki Kuma Jiro In Max’ed Cali Bile Ku Socdo Wadadii iyo Boooskii Xirsi iyo Xashi. Qaranku Uma Baahna Tallo Qoys
February 24, 2018 - Written by admin

Shaki Kuma jiro Inuu Max’ed Cali Bile uu yahay shaqsiga ugu awooda
badan qasriga Madaxtoyada. Shakina kuma jiro inuu joogo booskii xirsi
iyo Max’ud xaashi!

bile

Madaxtooyada miyaa loo waayay qof aanay madaxwaynaha isku beell ahayn,

Shaki intee leeg ayuu shacab-ka ku abuurtay magacaabista Maxamed Cali Bile.

Madaxwayne qalinkaagu qalooc badanaa oo hadana shaki badanaa. tiro-ba
dhowr jeer oo aad digreeto soo saartay waxay hor-seed u noqdeen in
laga niyad jabo qalinkaga war-mooge iyo xukumadada.

Madaxwayne qalinkaagu shacabkii ku doortay ma qanciyay mise ma qancin?
mise waad badheedhtee anagaa war moogayaal ah,

Maxamed Cali Bile magacaabistiisu waxay muujinaysaa inanu dalku wali
ka xoroobin xabsigii qabyaalada iyo taladii reernimo ee madaxtooyada
lagu goyn jiray,xoodamada reernimo ayaa wali ku lamaan talada xafiiska
ugu sareeya dawalada. taas oo xurmadii qarankeena rajo beell ka dhigi
karta.

Hadii shalay shacab-ku ka caban jireen Xirsi iyo Maxamuud xashi oo
madaxwaynaha ay hayb-ta qabiil wadaagi jireen ayaa dalka ka taliya, oo
shacabku ka caban jireen rag aan la dooran ayaa talada qasriga gooya
oo umada kale waa laga xanqarasadaa . hadaba maanta waxaad u diyaar
garoowdaa 7-sano oo danbe oo dalka ay ka talin donaan rag aan la
dooranin lkn hayb-qabiil ku talin doona. Alloow aqoon xumana hanagu
cadaabin,eexna hanooga tagain. waxaan uga socdaa Maxamed Cali Bile waa
nin aqoon-yahan ah oo waliba bulshaawi ah oo aan u hayo xushmad gaar
ah, ma ihi nin ka daar-daar warinaaya sida uu wax u maamulaayo .lkn
waxan qabaa in qaabka dareen ahaan wax u socdaan u yahay mid qaloocan
oo wiiqaya kalsoonida u dhaxaysa shacabka iyo dawlada. dhawaan ayay
ahayd markii ay soo shaac baxday in shaqaalaha madaxtoyadu ka amar
qataan Maxamed Cali Bile hadaba shaqsi ahaan waxaan ka xumahay in
dhaqan aan siyasada ku fiicnayn uu caado ka noqdo dalkeena oo
mustaqbalka umadeena meel xun dhiga.

shalay Xirsi ayaa laga caban jiray, markii madaxwayne siilanyo uu u
magaacabay cheif of Cabinet .bulshadu wax kale kamay cabanayn ee waxay
diidanayeen inaan dad aan ehel u ahayn talada umada ay gacanta ugasho
ama ay qayb ka noqdaan, oo shaqsiyada Xirsi cidi ma diidanayn oo
lama-ba aqoon. wixii ay umadu ka qaylin jirtay way dhaceen oo rag
badan ayaa talada wax ku yeeshay waa Xashi iyo Xirsi e’ ilaa la yidhi
dalkaba iyaga xukuma. dhaliishii ugu badnayd ee shacabku ka qabay
xukuumada madaxwayne siilaanyo taas ayay ahayd oo waxaaba laga yabaa
inuu madaxwayne muuse biixi-ba uu aragtidaas qabay. waayo marar badan
ayay  is qalaceen muuse biixi iyo wasiiradii madaxtoyada soo maray .
tubtii iyo wadadii qardoofoyin-ka badanayd ayaynu maanta kusii
siiqaynaa, Maxamed Cali Bile isaguna maanta waxa uu kusii
jihaysanyahay booska wasiirka madaxtooyada ee hore looga caban
jiray,hadii xataa aan loo magacaabin wuxuu halkiisa ku yeelan karaa
awood u dhiganta ama ka badan tii wasiirka madaxtoyadu lahaan jiray,
micno badan malaha magac booska aad jogtaa blse waxaa micno iyo qiimo
u sameeya awooda lagu siiyo ama aad leedahay.

waxa is waydiin leh madaxwaynuhu wuxuu badalay Khadra Xaji Gaydh oo
agaasimaha madaxtooyada ahayd,wuxuu kusoo badalay Maxamed Cali Bile,
madaxwaynuhu miyuu waayay qof booskaas qabta oo leh kartida iyo
aqoonta looga baahanyahay xilkan. maxaa marwalba ka dhigay qofka
madaxtoyada ugu sareeya qof ay madaxwaynaha isku qabiil yihiin,
maahmaah somaliyeed ayaa ahayd Awr-ba awrka ka horeeya ayuu saan
qaadkiisa leeyahay! waxaan uga socdaa Max’ed Cali Bile wuxuu hayaa
wadadii xirsi iyo xashi

Shaki kuma jiro in Maxmed Cali Bile ku socdo wadadii xirsi iyo xaashi?

Maxamed cali bile waa nin aqoon fiican leh oo bulshaawi ah, wax badan
xogogaal u ahaa ,waxaan is leeyahay waa nin dareenka umadu qabto la
socday hadii fariintaydu gaadho ,waxaan fari lahaa inuu wixii uu nooga
sheegi jiray baraha bulshada iyo casharadii quruxda badnaa ee maamul
wanaag inaau iloobin ee uu wax ku maamulo kana fogaad wixii qaranka
iyo maamulka dawladnimo meel ka dhac ku ah.

Alaah Mahad-leh

[email protected]

Waa Qalinkii. Mustafe Axmed Maxamed Geedi(Geedi Yare)

COMMENTS