BALIGUBADLE MEDIA
Sacad Cali Shire oo Ku Wajahan Dalka Imaaraadka Carabta
February 27, 2018 - Written by admin

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa waxaa uu safar deg deg ah ugu baxay dalka Imaraadka isaga oo xalay fiidkii gaadhey magaalada Dubai

sacad cali shire

Safarka wasiirka ayaa lagu sheegay in uu yahay mid uu kalamo la yeelan doono madaxda ugu sar sareysa shirkada maamusha dekada Magaalada Berbera ee Dp World .

Safarka wasiir sacad ayaa ku soo beegmaya xilli uu madaxwaynihii hore ee somaliland maalintii shalay u socdaalay dalka imaaraadka sidoo kalena ay wasiir sacad dul hooganayaan fadeexado ku aadan shirkadda somaliland invetment company

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS