BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Gaadhay Dalka Imaaraadka Carabta
February 27, 2018 - Written by admin

Wafdi uu hogaaminayay raysal wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa gaadhay dalka Imaaraadka Carabta.

Wafdigan oo shalay galenkii dambe ka amba baxay magaalada Muqdsho oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda H.E. Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Amniga Qaranka H.E. Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaanno iyo Xubno kale ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay magaalada Abu-dhabi ee dalka imaaraadka.

baabaa
Wafdiga uu hor-kacayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Abu-dhabi si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Tamarta iyo Warshadaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta H.E. Eng. Suhail Mohamed Faraj Al Mazrouei.

Xasan Cali Khayre ayaa booqasho laba maalin ah halkaasi ugu bilaabatay, isagoo inta uu joogo wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kulamo la qaadan doono Madaxda Dalkaasi.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa madaxda Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta la filayaa inuu kala hadlo arimo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliya iyo Imaaraadka

Isha ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS