BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia oo Shaaciyay Inuu Iska Casilay Xilkii Raysal Wasaarenimo ee uu ka hayay Dalkaas
February 15, 2018 - Written by admin

Telefishanka dawlada dalka Itoobiya ayaa shaaciyey inuu iska casilay xilkii raysal wasaaranimo iyo gudoomiyihii xisbiga EPRDF.
Hailemariam-Desalegn-Ethiopia
raysal wasaare Hailemariam Desalegn ayaa sheegay inay is casilaadiisa keentay kadib markii mudooyinkii u dambeeyay uu dalkaas ka aloosnaa kacdoono sababay dhimasho iyo dhaawac

raysal wasaaraha ayaa is casilaadiisa u gudbiyay baarlamanka dalka ethiopia waxaanu xilka sii hayn doonaa ilaa iyo inta ay baarlamanku ka aqbalayaan is casilaadiisa.

Is casilaada raysal wasaare Hailemariam Desalegn ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay socdaan mudaharaadyo waa weyn oo ay dhigayaan qoomiyadaha oromada iyo amxaarada ee wadankaasi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS