BALIGUBADLE MEDIA
Qoraa Sucuudiya oo Eedeeyay Qaabka Looga Eedaamo Misaajidadda Dalkaas
February 20, 2018 - Written by admin

Qoraa dalka Sacuudiga u dhashay ayaa wajahaya baaritaan iyo waliba in warbaahinta laga joojiyo ka dib markii uu sheegay masaajidada ay dalkaasi aad ugu bateen sababeenna in la dhibsado.

Maxamed Al-Suhaimi ayaa fikirkan jeediyey xili uu u waramayay telefishen afcarbeedka ku hadla oo isaga waraysanayay.

eedaan
Wuxuu si gaar ah u weeraray aadaanka oo uu sheegay in ay u muuqato in masaajidada ay ku tartamaan dhawaqa samaeecadaha ku xiran.

Qoraaga wuxuu si gaar ah u weeraray aadanka masaajidada isagoo sheegay in samaacadaha aad moodo tartartan u dhaxeeya ayna tahay arrin hurdada daka ka haleysa gaar ahaan carruurta.

Balse hadalka ninkan ka soo yeeray ayaa dhalin kara tilaabo sharci ah oo laga qaado.

Dad badan ayaana hadalkiisa aad uga carooday waxaana baraha bulshada la soo dhigay isagoo jawaab looga dhigayo muuqaalo muujinaya wiilal yar-yar oo salaadaha misaajida ku biiraya.

Mid ka mid ah muuqaladana waxuu muujinayaa ilmo yar oo isagoo ciyaaraya hadana maqlay aadaanka oo aamusay isagoo xurmaynaya aadaanka.

Dowladda Sacuudiga ayaa kal hore soos aartay tallaabooyin hoos loogu dhigayo ilaa xad sameecadaha baahiya aadaanka masaajida ku yaalla boqortooyada

BBc

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS