BALIGUBADLE MEDIA
Qaramada Midoobay Oo Warbixin Ay Soo Saartay Ku Sheegtay In Kuuriyada Waqooyi Ay Jabisay Cunaqabatayntii Saarnayd
February 3, 2018 - Written by admin

Warbixin ay soo soo saareen guddi khubaro ah oo ka tirsan Qaramadda Midoobay ayaa lagu sheegay in kuuriyadda Waqooyi ay allaabta ay dibedda u dhoofiso ka hesho lacag gaadhaysa laba boqol oo milyan oo doolar, waxayna intaa ku dareen in dalkaasi uu ku xadgudbay cunaqabateynta caalamiga.

unitedi

Warbixintan oo loo gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhowr waddan oo ay ka mid yihiin, Shiinaha, Ruushka iyo Maleesiya ay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan dhoofinta badecooyinka sharci darrada ah ee Kuuriyad waqooyi.

Warbixinta ayaa ku eedeyneysa xuukumada Pyongyang in sidoo kale ay hub u dirtay dalalka Suuriya iyo Myanmar, waxaana lagu eedeyay inay ku xad gudubtay xeerka cuna qabatynta caalamka.

Kormeerayaashan ayaa sidoo kale baadhitan ku sameeyay in ka badan labaatan Markab oo dhuxul u siday dalalka jaarka la ah kuuriyada waqooyi. Safiirka Myanmar u fadhiya Qaramada midoobay oo ka jawaabaya eedeymahaasi ayaa sheegay in dalkiisa aanu xidhiidh  hub kala iibsi ah la lahayn  Kuuriyada waqooyi.

Warbixinta waxaa kale oo ay sheegeysa in dhowr shirkadaha shidaalka caalamiga uu ku socda baadhitaan ku aadan dowrka ay ku leeyihiin shiidaal siinta Kuuriyada waqooyi.

Source:-BBCsomali

COMMENTS