BALIGUBADLE MEDIA
Nabadoon Axmed Diiriye oo Xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho
February 20, 2018 - Written by admin

Waxaa xalay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaalida.

nabadoon
Mid ka mid ah eheladda marxuumka ayaa warbaahinta u sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay xanuunsanaa Axmed Diiriyer islamarkaana xalay ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa ahaa Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye, waxaa lagu xusuustaa qeybtii uu ka ahaa dhaq dhaqaaqii looga soo horjeeday Ciidamadii Itoobiya soo galay Soomaaliya sanadkii 2006-dii.

Sidoo kale waxaa mar lagu xiray Muqdisho, iyadoo loo sii gudbiyay magaalada Baydhabo oo muddo uu ku xernaa saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Waxaa uu ka mid ahaa Odayaashii dhaqanka ee taageerayay dowladdii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif ee lagu soo dhisay Jabuuti sanadkii 2009-kii.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS