BALIGUBADLE MEDIA
Muxuu Daarnaa Nuxurka Kulankii Qasriga Madaxtooyadda Maalintii Shalay Ku Dhex Maray Muuse Biixi Iyo Cabdilaahi Darawal.
February 26, 2018 - Written by admin

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ex wasiir Mujaahid Cabdilaahi Xuseen Imaan Darawal, ayaa maalintii shalay ahayd kulan uu ku dhexmaray qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo la sheegay inuu ka dambeeyey dalab ka yimi dhanka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

darawal

Ilo wareedyo ka agdhaw qasriga Madaxtooyada ayaa u xaqiijiyay Baligubadlemedia in maalintii shalay uu Madaxweyne Muuse Biixi qasrigiisa kulan gaar ah kula yeeshay Siyaasi  Cabdilaahi Xuseen iimaan Darawal ayaa sheegay in kulanka cabdilaahi darawal iyo muuse biixi gaadhay muddo saacado ah islamarkaana ay arrimo badan oo masiiri ah kawada hadleen.

Kulankan Shalay dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Siyaasi Cabdilaahi xuseeen iimaan Darawal ayaa wuxuu daba socdaa kulamo hore oo ay hore u yeesheen labadan mujaahid iyo sidoo kale wada shaqayn balaadhan oo mudooyinkii u dambeeyay ka dhexeeyay muuse biixi iyo cabdilaahi darawal

dhanka kale kulankan muuse biixi la yeeshay darawal ayaa ku soo beegmaya kadib markii gudoomiye cabdiqaadir jirde oo ku sugan london uu si adag u dhaliilay maamulka muuse biixi islamarkaana uu sheegay inaan maanta loo dulqaadan doonin in dalka lagu maamulo been.

balse ilowareedyo u dhuun daloola kulanka ayaa sheegay in madaxwayne muuse biixi cabdilaahi darawal uga mahadceliyay sidii wanaagsanayd ee uu u soo garab galay mudadii uu tartanka adag ku jiray iyo sida uu marwalba taladda iyo tusaalaha ula barbar taaganyahay

isku soo wada duuboo cabdilaahi darawal ayay saaxiib dhaw yihiin kornayl muuse biixi waxaana mudooyinkii u dambeeyay ka dhexeeyay xidhiidh wanaagsan oo gaadhay meel saraysa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS