BALIGUBADLE MEDIA
Muxuu Daarnaa Kulan Kornaylka Muuse Iyo Beeshiisu Ku Yeesheen Hargeysa?
February 19, 2018 - Written by admin

kornayl muuse biixi ayaa wali la daalaa dhacaya kursiga ugu sareeya somaliland ee uu saaranyahay waxaanay wali xukuumadiisu la daalaa dhacaysaa maamulka iyo kala wadista dalka waxaanad moodaa in dalku aanu lahayn madaxwaynihii loo baahnaa islamarkaana waxa ilaa hadda dalka ka taagan sicir bararkii foosha xumee kaas oo ay ku sii biireen shidaalka oo isna kor u sii kacay.

shirjaraaid muuse

mr biixi oo muddo badan u soo halgamayay sidii uu kursiga u fuuli lahaa ayaa la daala dhacaya fashil baahsan oo ku yimi isaga iyo xukuumadiisa waxaanu gabi ahaanba ku fashilmay go’aamadii uu ka soo saaray sicir bararka iyadoo ilaa hadda sicir bararkii ka soi daray islamarkaana aanay fulin awaamiirtii xukuumaddu ka soo saartay

kulan ay beeshiisa habar awal la yeelatay kornayl muse biixi ayay ku wargaliyeen in loo baahanyahay inuu taladda reerka ku shaqeeyo maadaama oo isaga kursiga lagu saaray tallo reer hadii uu kahor yimaado taladoodana ay kalsoonida kala noqon doonaan

wuxuu muuse u balanqaaday beeshiisa inuu ku xidhnaan doono waxaanu gabi ahaanba ka ogolaaday taladii ay siiyeen ee ku aadanayn in tallo reer kursiga ku maamulo
si kastaba ha ahaatee beelaha kale ee somaliland ayaa looga fadhiyaa waxay ka yeelayaan madaxwaynaha kursiga ku fashilmay ee hadda go’aansaday inuu taladda reerkooda ku shaqeeyo

talooyinka beeshiisu siisay waxa kamid ah inaanu u dhawaan kuraasta hoose ee beesha in wasiiradda aan ahayn jeegaanta ee uu magacaabay ku ilaaliyo wasaaradaha si aanay u u gaadhsan kuraasta reerka iwm

isku soo wada duuboo hadal haynta fashilka ku yimi mr muuse ayaa aad looga dareemay dalka iyadoo meelaha dadku iskugu yimaadaan ay ku faaqidaan madaxwaynaha dalka haysta iyo xaaladahan foosha xun ee uu dalka isagoo u muuqda in durba bulshadu karahday madaxwaynenimadiisa xilli uu joogo muddo laba bilood ah .

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS