BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Ka Dhex Muuqda Musuqmaasuq Kasta oo Xukuumadii Hore Ku Kacday (Akhriso)
February 13, 2018 - Written by admin

Muranka cidbaa ina maalgashanaysa iyo maalgashiba soo guuxaaya, Berbera Deked kale ayaa lay nooga dhisaya iyo Saldhig Millatari hablaha inaga qash qasha ayaa inoo imanaaya waxay ahayeen Aflaam si wacan loo matalay oo cid gaar ahi ku tanaaday. Guxaas ina dhago barjeeyay Sahacbiga mar kaliya si saxa looguma soo bandhigin. Walaa DP World walaa Saldhiga Millatari ee Berbera, iyo xitaa sherkadan hadda lagu murmaayo ee laga diwaangaliyay suuqa maalgashiga Dubai.

muuse afwayne

Intaba 4 qof oo ummaddu ka daashay uunba wax isku mid ah inooga sheegayay mararka qaarna laaluush ayaaba lagu meel marinaayay sida DP World iyo Kiiskii Saldhiga. Wasiir Sacad Cali Shire intaba wuxuu aha masuulka ugu hadalka jilicsan ee hor iyo dabo diidka, siduu u kala hadlaayay mashariicdaas wa la ogaa .

Waxaas maal gashiga lagu sheegay ummadda sixir-bararka iyo abaaruhu bahdileen waxba kamay soo gaadhin marka laga reebo dadkii koobna ee maamulka hayay oo waliba si cadaalad darro ah iyaguna u qaybsaday wixii xaqul qalin ay Dalka ka dilaaleen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi adigu kamaad madhnayn adigoo ah Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa lagugu aamusiiyay Kiiskii Saldhiga Berbera Hal Millyan oo Dollar, adna waad ogayd Madaxweyne allena waa ogaa. Adiguna sidii ololaha KULMIYE ku dhisnaa intii lagu siiyay xitaa Xisbigaaga KULMIYE dadkii aha waxaad wax ka siiyay oo kaliya, Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafaadhi oo aad midkiiba 100,000$ siiyay iyo Nin Agaasime Waxeed aha oo aanan magaciisa hadda sheegayn oo aad isna 50,000$ siiyay intii kale jeebka ayaad ku shubatay. Qolyihii markaa Madaxtooyada fadhiyay amma Dubai joogay iyana intay calafsadeen kolay isha shacabka bakhtiyayaa ku maqane waynu isla ognahay. Markay Sidaa tahay Madaxweyne haddii nasiibku si kastaba ha ahaate ku saaciday oo aad Saakaba tahay odaygii Somaliland, adigoo ogaa wixii Qaranka ka khaldamay, adigoo og sida maalgashiga iyo Xadafiirtiisu u dhib badantahay adduunka oo dhan, Qoodh iyo Xero may ahayn inaad ummadda ku soo celiso Atoorayaashi hore ee Matalay dhib iyo dheef wixii sannadihii tagay Maalgashiga laynoogu sheegay.

Mudane Madaxweyne hore ayaan kugu sheegay oo kamaad madhnayn wixii musuq maasuq baladka Somaliland ka dhacay oo dadkaba adaa ugu guryo badan, kamaad madhnayn wixii Xukuumaddii Siilaanyo ka khaldamay sannadihii danbe oo waad la boobtay DP World iyo Saldhig Millatariba, waxay maanta markale ahayd Qoodhyo Xero inaad wax kasta oo madmadow ah iska fogayso ummaddana adigu wax u sharaxdid ee aanay kuwaas hore wax u sharxin. Xitaa shaqaalaha DP World qoratay qaar ay iyagu u yeedhiyeen weeye oo Ummadda kale ka qaday waa wax xaqiiqa oo aan hubo shacabkna waxa loogu sheegay DP World inay fartay subaga u dari doonto..

Gebo gebadii Madaxweyne ummadda kala xishood maraa waaxid Sherkad wixiina iibinaysa ayaa la diwaangaliyay oo Zamzam Cabdi Aadan, Sacad Cali Shire, Baashe Cawil iyo Wiil Zamzam eedo u tahay ayaa ku qoran. Kkkkkkkk .

Tusan
Muniir Axmed Cigaal

COMMENTS