BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Noqday Madaxwayne Kaligii U Banbaxay Lunsiga Hantida Umadda + Dhaqaalaha Xaddiga Badan ee uu Durba Ka Boobay Umadda.
February 21, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha taladda dalka somaliland la daalaa dhacaya kornayl muuse biixi cabdi ayaa xog rasmiya oo aanu helnay iftiimisay inuu saami xad dhaaf ah shakhsiyan ku leeyahay shirkadda muranka badan dhalisay ee somaliland investment company shirkadan oo ay ku diwaangashanyihiin wasiirka arrimaha dibadda iyo safiirka somaliland ee imaaraadku ayaa la sheegay in markii la aasaasayay saami wanaagsan laga siiyay madaxwaynaha hadda jooga kornal muuse biixi cabdi oo isagu u muuqda madaxwayne calooshiisa u shaqayste ah oo aanay is lahayn hadaladiisa ka soo yeedhaya iyo sidoo kale ficiladiisu

majaalilayste muuse

muuse biixi oo lagu tilmaamo inuu yahay shakhsi aad u lacag jecel islamarkaana bakhayl ah ayaa xaalad dhaqaale xumo dalkii galiyay waxaanu gabi ahaantiiba isku badalay dilaal ku shaqaysta kursiga madaxwaynenimadda ee somaliland

waxa xusid mudan in mudada gaaban ee uu kursiga joogay uu soo qaatay lacago badan oo dilaal ah kuwaas oo uu kaligii jeebka ku shubtay waxaana dhaqaalayaasha uu qaatay kamida 50 milyan oo uu ka qaatay madaxwaynaha jabuuti, 15 milyan oo uu todobaadkan ka qaatay madaxa ugu sareeya dp world iyo sidoo kale saami xad dhaafa oo uu ku leeyahay shirkadda somaliland investment company

marka laga yimaado lacagaha dilaalka ah ee uu kaligii qaatay muuse biixi waxa jira saamiyo kale oo uu ku leeyahay qaar kamida shirkadaha qandaraasyadda ka qaata xukuumadda waxaanay gabi ahaanba meesha ka baxay la dagaalankii musuqmaasuqa waxa kale oo taas ka daran in xukuumadii muuse ka horaysay iyadoo dalka boobaysay hadana ay si waafiya u kala waday hawlaha qaranka  balse waxa kornayl muuse biixi ku dhaqaaqay inuu kaligii cuno dalka umaddii kalena uu ka joojiyo gunooyinkii shaqaalaha iyo musharooyinkoodii

isku soo wada duuboo muuse biixi ayaa khiyaamidiisii ku fashilantay muddo gaaban waxaana shacabka la gudboon inay u fiirsadaan lunsiga hantida qaranka ee uu caadaystay kaligii madaxwayne muuse biixi  waxaana bulshadda la guddoon inay ka dhiidhiyaan xalaalaysiga hantida umadda ee uu xalaalaystay madaxwaynaha ficilkiisa iyo hadalkiisu is buriyaan ee muuse biixi

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS