BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Madaxtooyadda U Raraya Goob Aan Ku Haboonayn + Cabsi iyo Shaki uu Ka Qaaday Madaxtooyadda Hadda.
February 13, 2018 - Written by admin

madaxwayne muuse biixi ayaa wali u muuqda inaanu fahmin nidaamka dawladnimada waxaanu wali ku sii shaqayanayaa nidaam cusub oo qabali ah kaas oo qoraya in dawladnimadu tahay in beeshaadu wax walba leedahay manaafiicda qaranka

madaxtooyada-3

muuse biixi ayaa maayarka uu adeerka u yahay ee soltelko amar ku siiyay inuu banayn balaadhan ku sameeyo agagaarka buurta kala jeexan  si looga dhiso xarun wayn oo madaxtooyo

waxay arintani muujinaysaa sida aan ilaa hadda muuse biixi u fahmin mansabka uu hayo islamarkaana uu wali ugu fooganyahay deegaanadiisa sidii uu madaxtooyo ugu rari lahaa iyadoo aynu ogsoonahay in muuse horena beeshisa kula taliyay in stadiumka hargeysa loo raro waqooyiga hargeysa’dhanka kale muuse biixi ayaa wararka laga helayaa sheegayaan inuu ilaa hadda ku dhici la’ yahay inuu u guuro xarunta madaxtooyadda isagoo aaminsan in madaxwaynihii ka horeeyay iyo qoyskiisu ay fal iyo sixir ugu sii aaseen madaxtooyadda arintaas oo gef iyo meel ka dhac ku ah madaxwaynihii muuse meesha saaray ee siilaanyo

isku soo wada duuboo muuse biixi ayaa wajahaya xaalad adag waxaanu muddo gaaban oo uu dalka haystay dalku wajahayaa xaalad qalafsan oo uu galiyay waxaana wararka qaar sheegayaan in muuse biixi laftarkiisu ku jaahwareersanyahay maamulista dalka islamarkaana uu kursigu ku balaadhay

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS