BALIGUBADLE MEDIA
Maxay Bulshadda Somaliland Ka Baran Kartaa Kacdoonadii Saamaynta Yeeshay ee Ka Aloosnaa Ethiopia “Faaladda Baligubadlemedia
February 18, 2018 - Written by admin

waa dhawrkii sanno ee u dambeeyay kacdoono shacbi ka aloosnaayeen dalka aynu dariska nahay ee ethiopia kaas oo la daalaa dhacayay cadaalad darro iyo koxaysi ka aloosnaa dalkaas qarniyadii aynu soo dhaafnay taas oo samir badan oo ay muujiyeen bulsho waynta ethiopiawakhti xaadirkan keentay inay awoodooda muujiyaan qaar kamida qoomiyadaha awooda dawladeed lagu haystay ee ay ugu horayso oromiya

ethiopia

oromiya waa qoomiyadda ugu tirada badan ethiopia balse hadana waa qoomiyad si foolxun loo bahdilay islamarkaana la gaadhsiiyay heer awooda dawliga ah lagu cabudhiyo

muddo badan oo ay soo samraysay qoomiyada oromiya waxay aakhirkii ku dhaqaaqeen go’aano midho dhalay kuwaas oo dalka ethiopia ka sababay isbedelka uu maanta galay ee dhinaca xukunka

hadaba bulsho waynta somaliland maxay ka barankartaa kacdoonaddii mudada ka tagnaa dalka ethopia iyo isbedeladda uu keenay?

bulshadeena oo ah mid ka aradan fahamka xuquuqda ay ku leeyihiin nidaamka dalka ka jira ayaa u baahan inay marka hore fahmaan waajibaadka sharci ee ay ku leeyihiin maamulka jira islamarkaana sidoo kale waa inay fahmaan in hadba maamulka meesha joogaa uu yahay kay iyagu meesha keeneen islamarkaana hadii uu ka horyimaado rabitaanka bulshadda uu si fudud meesha uga bixi kara iyagoo xaq u leh inay dhigaan banaan baxyo salmi ah kuwaas oo ay ku dalban karaan in hadii uu fashilmo madaxwaynihii ay doorteen kaga dalban karaan is casilaad.

shacabkeena waxa looga baahanyahay inay si wanaagsan u fahmaan shuruucda dalka islamarkaana ay maanka ku hayaan in madaxwaynaha ama maamulkiisu haday sharciyadda dalka khilaafaan ay iyagu fudud yihiin si fududna ay u soo dhaafi karaan xafiiska

isku soo wada duuboon waxa shacabka somaliland looga baahanyahay inay la jaanqaadaan isbedeladda ka socda qaaradda afrika oo ahaan jirtay qaarad madaxda haysataa ay xoog ku haysan jireen shacabkooda balse hadda tii way is bedeshay waxaana isbedelo badani ka socdaan dalal badan oo afrikaan ah oo ay ugu horayso ethiopia sidaas awgeed waa inaynu fahano awoodeena si aynu meesha uga tuuri karno madaxwayne kasta oo rabitaanka shacabka ka horyimaadda

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS