BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray dowladda iyo shacabka dalka Kuwait
February 25, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambaliyeeyay Amiirka iyo shacabka dalka Kuwait sanad guuradii 57aad ee ka soo wareegtay xurriyadda dalkaas.

madaxwayne farmaajo

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay farxadda la qeybsanayaan walaalaha Kuwait oo u dabaal dagayay maalintan qiimaha badan ee xornimada ay ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sida markasta ay uga go’antahay kor u qaadistiisa.

Madaxweynaha oo uga mahad celiyey shacabka iyo dowladda Kuwait sida joogtada ah ee ay u garab istaagaan Soomaaliya, ayaa u rajeeyey horumar dheeraad ah iyo farxad waarta.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS