BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Dilaalnimadu Jarbay Ka Ridaa Qaranimadda “Axmed Aadan Rooble”
February 21, 2018 - Written by admin

waa hubaal in  dilaalnimadda iyo lacag jacalyku ay kursiga madaxwaynenimada ku yihiin halis foolxun  oo aan meel la iskugu wada keeni karin somaliland madaxwaynayaashii soo maray muuse biixi wuxuu noqday madaxwaynihii ugu lacagta jeclaa waxaanu mar qudha isku badalay dilaal dalalka shisheeye lacag kaga soo qaata qaranimaddu macnaheedu maaha madaxwaynuhu qaranimadda ayuu la dagaalamayaa laakiin lacag jacaylka ayaa la galaysa meel walba oo xataa hadii qaranimadda kaash la siinyo way la galaysaa.

geele iyo muuse

inkastoo markiisa horeba madaxwaynaha lagu xanto lacag jacayl, bakhaylnimo iwm hadana waxay xaqiiqda arintani soo ifbaxday kadib markii madaxwayne biixi lacag 50 milyan oo dolar ah ka soo qaatay madaxwayne geelaha jabuuti si jabuuti u noqoto xudunta wadahadalka somaliland iyo somaliya madaxwayne yaanay iskaga kaa khaldamin dhaqaalaha uu ku siiyay seedigee geele iyo qadiyadda jiritaanka somaliland

waxaynu wada ogsoonahay in jabuuti tahay cadawga koobaad ee somaliland balse madaxwayne biixi oo ay xidid dhaw yihiin madaxwayne geelaha jabuuti islamarkaana lagu tilmaamo shakhsiyaadkii u sababta ahaa guusha madaxwaynenimo ee kornaylka ayaa hadana waxa hadda xaajadu maraysaa meel xun oo aan indhaha laga qarsan karin waxaanad moodaa in somaliland kontomeeyo sanno kadib dib u noqotay mustacmarad hoos timaadda jabuuti

hadaba madaxwayne biixi waxa la gudboon inuu ka fiirsado qadiyadda uu siisanayo kaashka waxaanay noqon kartaa wadka kaliya ee damaciisa hogaaneed khaarajin karta lacag jacaylka ku habsatay madaxwaynuhu

muuse wuxuu noqonayaa madaxwaynihii ugu horeeyay ee laba bilood gudahood xilli uu fadhiyo kursiga xaraasha qadiyadda madaxbaaninida si toos ahna u hoos geeya jabuuti waxa kale oo mudada gaaban ee uu kursiga joogay gurtay lacago badan oo ay  dalka ugu talo gashay shirkadda dp world taasoo horaanteedu uu shalay ka qaatay madaxda dp world jeebkana kaligii uu ku shubtay waxa kale oo xusid mudan in durba saamiyo laga siiyay shirkado waawayn oo ay kamid tahay somaliland investment company iyo qaar lamida

isku soo wada xooriyoo kornaylku wuxuu noqonayaa madaxwaynihii ugu horeeyay somali oo dhan ee lacag jacayl ku habsado islamarkaana marka sixir ama qiimo loo sheego ilaaba qadiyadda madaxwaynenimo iyo ta jiritaanka dalkaba

Axmed Aadan Rooble

[email protected]

COMMENTS