BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo La Filayo Inuu Isku Shaandhayn Balaadhan Ku Sameeyo Xukuumadiisa Xilli ay Jirto Muddo Kooban.
February 14, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland mr biixi ayaa daalaa dhacaya dhaleecayn uga imanaysa bulshadda somaliland kuwaas oo sheegaya inaan xukuumadiisu ahayn mid ku dhisan hab cadaalad iyo sinaana islamarkaana aan sidoo kale lagu soo xulin nidaam ku salaysan sal balaadhsi

top news

muuse biixi ayaa hadda dib uga fiirsanaya shakhsiyaad kamida xukuumadiisa oo uu hore taladooda u qaatay kuwaas oo u muuqda inay dhicisaynayeen xukuumaddiisa cusub

waxa la filayaa inuu isku shaandhayn balaadhan ku sameeyo qaybo kamida xukuumadiisa kuwaas oo ay ugu horeeyaan wasaaraddo door ah oo ay kamid yihiin daakhiliga, maaliyadda iyo wasaarado kale

wasiirka daakhiliga ayaa la filayaa in loo badalo wasaaradda gaashaan dhiga halka wasiirka maaliyadda la filayo inuu xilkiisa waayo

isku shaandhayntan degdega ah ayaa ku soo beegmaysa xilli ay xukuumadii mr biixi qarka u saarantahay inay fashilanto iyadoo cadaadisyo xoog lihi kaga imanayaan bulshadda kala gadisan ee somaliland

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS