BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Somaliland oo Dawladda Jabuuti Ka Soo Qaatay Lacag Malaayiin Dolar ah Iyo Danaha Ka Dambeeya (Akhriso Xog Faahfaahsan)
February 13, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha dalka jabuuti ismaaciil cumar geele ayaa lacag qadarjeeda lagu qiyaasay malaayin dolar soo siiyay dhawaan markii madaxwayne biixi safarka ku tagay dalka jabuuti ilowareedyo baligubadlemedia ka helayso kulankii labadda madaxwayne ayaa sheegaya in madaxwayne biixi ka dalbaday geelaha jabuuti inuu siiyo lacag islamarkaana madaxwayne geelaha jabuuti lacag 50 milyan oo dolar ah soo siiyay madaxwayne muuse balse lagu xidhay shuruudo ay kamid yihiin

geele iyo muuse

1. in somaliland ogolaato in wadahadaladda loo soo wareejiyo jabuuti
2. . in dawladda somaliland ka caawiso jabuuti danno kasta oo ay ka leedahay sida ganacsiga iwm
3., in furaha (conutry code-ka) somaliland ka guurto 252 una soo guurto 253-ga jabuuti iyo qodobo kale

waxa hubaala in durba madaxwaynaha somaliland oo lagu xanto inuu yahay shakhsi aad u jecel bashasha lacagta la yidhaa uu qadiyadii somaliland iyo gooni isutaageedaba soo iibsaday soona siistay 50 milion islamarkaana uu mar uu wakhtigii uu ka soo laabtay jabuuti u waramayay idaacadda voa isagoo jabuuti amaanaya uu aflgaado cad kula kacay warbaahinta somaliland oo ku tilmaamay tuug wax ka qorta jabuuti garoo madaxwaynaha waxa ka dhex hadlaysay lacagtii la soo siiyay oo wuxuu iloobay dadkii uu masuulka ka ahaa

hadaba saddexda qodob ee aynu kor ku soo xusnay wuu fuliyay saddexda qodoba waxaanu ku fuliyay muddo gaaban gudaheed maadaama oo uu lacag malaayiin dolar ah ku qaatay hadaba waxa iswadiin leh maxaa shacabka somaliland uga meel yaala madaxwaynaha shilimaadka soo siistay qadiyadii madaxbanaanida iyo gooni isutaaga somaliland maadaama oo aynu ognahay cadaawada guunka ah ee jabuuti u hayso somaliland.

Axmed Rooble

Baligubadlemedia

Hargeysa.

[email protected]

COMMENTS