BALIGUBADLE MEDIA
Maareeyaha Telefishanka Qaranka oo Ku Gacan Saydhay Xil Ka Qaadis Uu Wasiirka Warfaafintu Ku Sameeyey Iyo Qodobada Uu Cuskaday
February 23, 2018 - Written by admin

Maareeyaha Telefishanka qaranka somaliland Khadar Maxamed Cakule ayaa ganafka ku dhuftay xil ka qaadis uu ku sameeyey wasiirka warfaafinta somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo.

khadar maxamed cakule

Maareeye Khadar Maxamed Cakule oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaanu wasiirku awood u lahayn inuu xilka ka qaado.

Ugu horayn Maaareeye Khadar Cakule oo ka hadlaya xil ka qaadista lagu sameeyey ayaa waxa uu yidhi “Shalay galab warqad aan ku arkay wasaarada oo uu wasiirku ku saxeexan yahay taas oo tilmaamaysa in isbadalo badan la sameeyey oo madax qaybeedyada iyo agaasimayaasha ku saabsan laakiin arinta cajiibka ah  waxa weeyaan aniga oo maareeyaha tv-ga qaranka ah inaan ku jiro wareegtada

wasiirka, waxaan marka hore dadka xasuusinayaa in dawladnimadu ay tahay sharciga, sharciga iyo dawladnimaduna waxa koowaad ee uu la shaqeeyaana waa madaxweynaha, anigana madaxweynihii hore ee somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo 3-dii bishii December ayuu ii soo magacaabay ayuu ii soo magacaabay inan noqdo maareeyaha telefishanka qaranka ilaa maanta oo aynu ku jirno 23/02/2018 ma jirto wareegto iga soo gaadhay madaxweynaha cusub ee somaliland md Muuse Biixi Cabdi taas oo uu xilka igaga qaaday ama igaga badalay, sidoo kale ma jirto wareegto iga soo gaadhay madaxweyne Muuse Biixi oo I amraysa in telefishanka qaranka laga dhigay waax ka mid ah wasaarada warfaafinta anigana xilkaygii laga dhigay agaasime waaxeed sidaasna uu wasiirku awooda ugu leeyahay inuu igu magacaabi karo ama igu badali karo.”

Maareeye Khadar Cakule ayaa sidoo kale wasiirka warfaafinta ku eedeeyey inaanu sharciga dawladnimada aqoon u lahayn, waxaanu tilmaamay inaanu jirin xil uu wareejinayaa waxaanu yidhi “Arinta wasiir Guri Barwaaqo aan xasuusinayaa ee aan is leeyahay wasiirku malaa waa qoraa waliba cilmiga afka soomaaliga ama afafka aad ugu  xeel dheer laakiin xaga sharciga iyo hay’addaha dawlada imika ayaa ugu horaysa shaqo uu ka galo, waxaanan ugu nasteexaynayaa hal eray oo ah wasiir dib u eeg oo dib u akhri digreetada kaa dhigtay wasiirka ee aad ku tahay wasiirka warfaafinta mid la mid ah ayaan ku ahay  maareeyaha Telefishanka qaranka sidaas darteed maadaama oo aanan hayn digreeto madaxweyne oo xilka laygaga qaaday ama laygaga badalay waxaan leeyahay digreeto madaxweyne waxa badalaysa digreeto madaxweyne oo kale, mana garanayo in saaxiibkay Guri Barwaaqo uu  ilaaway iyo in sharciyadii sidaas ka tahay.”

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS