BALIGUBADLE MEDIA
Kenya Oo Balan Ku Qaaday Inay Talaabo Adag Ka Qaadayso Cidkasta Oo Ka Qayb Qaadatay Dhaarintii Raila Odinga
February 1, 2018 - Written by admin

Xildhibaanka Laga soo Doortay Degmada Ruaraka ee Magaalada Caasimada ah Nairobi Mr TJ Kajwang’,oo Shalay Hormuud ka ahaa Dhaarinta Hogaamiyaha Isbaheysiga Mucaaradka ah ee Nasa Mr Raila Odinga,ayaa Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Amniga oo Ku Labisan Dareeska Shibilka Loo Yaqaan ay xireen.

odinga7

Mudanahaan ayaa Laga Qabtay Galabnimadii Maanta Afaafka Hore ee Maxkamada Milimani ee Magaalada Nairobi.

Dowlada Kenya Wacad Ku Martay in ay Talaabo Waafaqsan Sharciga ka qaadi doonto Cid Waliba oo Ku Lug Laheyd Xafladii Shalay Mucaaradka ay ugu Dhaariyeen Raila Odinga Madaxweynaha Dadka.

Dhanka kale wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Kenya Mr Dr Fred Matiang’i,

ayaa Sheegay in ay Sii Xirnaan Doonan TV-yada NTV, Citizen iyo KTN oo Dhamaantood Lagu eedeyay In ay Tabinayeen Xafladii Shalay Mucaaradka ay Ku Qabteen Fagaaraha Weyn ee Beerta Xoriyada Taasi oo Lagu Dhaariyay Hogaamiyaha Mucaaradka Mr Raila Odinga oo iskiis Isugu Dhaariyay Madaxweynaha Dadka.

Mr Matiangi ayaa Sheegay inta Baaritaanada Lagu Hayo Tv-yadan ay soo Gaba Gaboobayaan ay Hawada Ka Maqnaan Doonaan.

Subaxnimadii Talaadada ee Shalay Ayey Aheyd Markii Saraakiil Ka Socota Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta ay Hawada Ka Saareen Tv-yadaasi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS