BALIGUBADLE MEDIA
Hargeysa: Qiimaha Sarrifka Dolarka oo Kor U Kacay Iyo Go’aamadii Xukuumadda oo Fashilmay
February 21, 2018 - Written by admin

Hargeysa (BGM) Qiimaha isku bedelka lacagta Somalialnd iyo lacagta dollarka ayaa saddexdii habeen ee u dambeeyay uu isbedel ku yimid, waxaana muuqata inuu sare u kacay sarrifku.

dolar

lacaagta shilinka somaliland

Qiimaha sarrifka ayaa markaad sidato dollar ee aad doonayso lacagta Somalilnd oo loo yaqaano gacanta hore waxa boqolka dollar laguu bedelayaa milyan iyo lixdan kun oo Somaliland shilling ah, halka uu maalmihii hore marayay hal milyan.

Markaad sidato lacagta Somaliland ee aad dollar doonayso oo loo yaqaan gacanta dambe waxaad boqolka dollar ku helaysaa hal milyan iyo toddobaatan kun oo lacagta Somalialnd ah.

Isbedelkan ku yimid sarrifka lacagta Somaliland iyo dollarka ayaan si rasmi ah loo garanayn, iyada oo ay muuqata inuu weli kor u sii socdo. Waxaanu ku soo beegmayaa xilli aanu weli dhammaan wakhtigii ay xukuumadu u qabatay hirgelinta go’aamo ay soo saartay oo ay sheegtay inay kula dagaalamayso sicir bararka iyo qiime dhaca lacagta Somaliland.

Go’aamadan oo ay xukuumadu aad u difaacday una aragtay inay xal u noqon doonaan dhibaatadan sarrif ee bulshada saamaysay ayaa waxa iyaguna jira dad aaminsan inaanay daawo noqon doonin balse ay sii kicin doonaan sicir bararkii hore u jiray.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS