BALIGUBADLE MEDIA
Hambalyo Ku Socota Mareeyaha Cusub ee Haya’ada Dhawrista Tayada (Qualitay Control). W/Q. Ugaas Cumar Jamac Iidle
February 24, 2018 - Written by admin

Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa mareeyaha cusub ee hayada dhawrista tayada(Quality Control).

Anigoo ku hadlaya magacayga iyo Afka Dhalinyarada Beesha Aadan Madoobe. Waxaan hambalyo u dirayaa mareeyaha cusub muuse xasan xaji yusuf oo madaxwayne muuse biixi maalintii shalay ahayd uu u magacabay mareeyaha hayada dhawrista tayada ee qaranka(Quality Control).

Maareyaha cusub wuxuu kamid ahaa dhalinyaradii doorka wayn ku lahayd guushii Xisbiga Kulmiye,Waxaa uu ahaa Xubin Firfircoon oo door fiican ku lahaa in Xisbiga Kulmiye codkii ugu badnaa ka helo degaanada gobolka tog-dheer gaar ahaan deeganada Dhagax-dheer,Dheryaley  iyo Taalo-buur.
Waxaa uu kamid ahaa madaxdii xisbiga kulmiye ee heer qaran u qaabil-sanaa Gobolka Togdheer isla markaana u hagar baxay sidii Madaxwayne Muuse Biixi uu ugu hubsan lahaa Kursiga ugu sareeya Xafiiska Dawlada.
Waa nin dhalinyaro ah oo ka mid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee dalka .waa shaqsi aan aaminsanahay inuu qaranka iyo masuuliyada culus ee madaxwaynuhu u wakiishay kasoo bixi doono.

Aniga oo ku hadlaya afka dhalinyarada iyo aqoon-yahanka deegaanada aan sare ku xusay waxaan ku hambalyaynayaa uguna ducaynayaa in ilahay ku asturo una fudaydiyo xilka qaranka ee uu madaxwaynuhu u magacaabay.

Waxaan u mahad-naqaynaa madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi garashada uu gartay inuu magacaabo mareeyaha cusub oo ku huboon xilka iyo masuuliyada uu u magacaabay.

Hayada dhawrista Taydu waxay qaranka musuul uga tahay inay hubiso tayada wax soosar-ka dalka iyo waxa dalka soo galaya, waana hayad muhiim u ah qaranka oo aan hore si fiican ugu shaqayn hawlihii loo bahnaa.

Waxaan ku kalsoonahay in mareeyaha cusub Muuse Xasan Xaji Yusuf uu yahay nin karti u leh inuu sare u qaado shaqadii hayadani qaranka u haysay

Alaah mahadleh

Contact:063-4439712/065-4439712

[email protected]

Ugaas Cumar Jaamac Iidle

Ugaaska dhalinyarada beesha Adan madoobe

COMMENTS