BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiyihii Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Waddani oo Safar Ku Tagay Ingriiska.
February 13, 2018 - Written by admin

Guddoomiyaha gobolka Marroodi-jeex ee Xisbiga WADDANI Md. Xuseen Aadan Cadde, ayaa safar ugu kicitimay dalka Ingiriiska, kaasoo qaaddan doonna muddo laba bilood ah.

xuseen aadan cadde2

Safarkan uu dalka Ingiriiska ku tagay Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Xuseen Aadan Cadde ayaa la xidhiidha dardar-gelinta hawlaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, maaddaama uu Xisbigu ka soo baxay Doorashaddii Madaxtooyadda ee lagaga guulaystay, iyaddoo uu Scdaalka guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex uu qayb ka noqonnaayo isku xidhka iyo sarre u qaaddida shaqadda Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, gaar ahaan Jaaliyaddaha dalka UK oo laf-dhabar u ahaa Xisbigaas.

Guddoomiye Xuseen Aadan Cadde waxa uu sheegay in Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI hadda wixii ka danbeeya uu isku diyaarin doonno Mucaaridad adag, iyagoo Xukuumadda wixii ka qaloocda toosin doonna, isla markaanna wixii la wada leeyahay ee la xidhiidha Qaddiyadda Somaliland ay kala shaqayn doonnaan Shacbiga iyo Xukuumaddaba.

Md. Xuseen Aadan Cadde waxa uu si wayn ugu mahad-celiyay Shacabka Somaliland meelkasta oo ay joogaan, si gaarranna waxa uu Mahad iyo Bogaadin u diray taageerayaashii, isla markaanna ahaa Maddaalayaashii hiil iyo taageeraba la garab taagnaa Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane, Xuseen Aadan Cadde ayaa shaaciyay in Safarka uu ku tagay dalka UK, uu la xidhiidho isku xidhka iyo dardar-gelinta hawlaha Xisbiga WADDANI ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisa khuseeya, waxaannu sheegay innuu qaaddan doonno muddo ilaa laba bilood ah.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS