BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Ammaanka Oo Isku Raacay Xabbad Joojin Wakhti Leh Oo Laga Dhaqan Geliyo Suuriya
February 25, 2018 - Written by admin

Labada kooxood ee ugu waawayn falaagada Suuriya ee gacanta ku haysa Quudada Bari ayaa soo dhaweeyey qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay soo saaray ee ku baaqaya in Suuriya oo dhan laga dhaqan geliyo xabad joojin aadamenimo oo soddon maalmood ah.

gole
Labada kooxood waxay ballan qaadeen in ay ilaalin doonaan kolonyooyinka gargaarka sida ee geli doona goobtaa go’doonsan ee ku taal bariga magaalada Dimishiq.

Goor dambe oo maanta ahna waxa la filayaa in madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, iyo ra’isal wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, ay dhaqan gelinta xabbad joojintan kala xaajoodaan madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Dan jiraha Maraykanka u fadhiya Qaramada

Midoobay, Nikki Haley, ayaa sheegtay in ay ka shakisantahay in milatariga Suuriya u hogaansami doono xabad joojinta iyo in kale, waxa aanay sida oo kale ku dhaleecaysay Ruushka dib u dhaca in xabad joojintaa cod lagu meel mariyo.

Sources:BBC Somali

COMMENTS