BALIGUBADLE MEDIA
Farmaajo oo Nin ay isku Beelyihiin Muuse Biixo Usoo Magacaabay Taliyaha laanta socdaalka ee Goboladda Waqooyi
February 22, 2018 - Written by admin

Xukuumada somaliland ayaa xabsiga dhigtay saddex nin oo la shaqaynaya taliye socdaal oo madaxwayne farmaajo u soo magacaabay somaliland si dalka loogu sameeyo basaabooradda somaliya.

top news

Ciidanka booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay saddexdii nin ee hargeysa kala shaqaynaayay masuulkan farmaajo usoo magacaabay laanta socdaalka Iyo jinsiyadaha somaliya oo lagu magacaabo cismaan sheekh maxamed Isxaaq waxaanay isku juffo hoose yihiin madaxwayne biixi

Magaacabista farmaajo ayaa lidi ku ah qaranimada Iyo madaxbanaaninada Somaliland waxaana xukuumadda looga fadhiyaa inay xabsiga dhigto masuulkan farmaajo soo magacaabay oo ku sugan hargeysa islamarkaana sidoo kale waxa xukuumadda la gudboon inay sharciga horgayso saddexdan nin ee la shaqaynaayay masuulkan oo Ku xidhan hargeysa kuwaasoo iyagana ay isku beelyihiin muuse biixi Waa markii u horaysay ee madaxwayne somaliya ahi somaliland u soo magacaabo taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha goboladda waqooyi kaas oo dawlada somaliya u qaabilsanaan doona Somaliland Waxaana saddexda nin ee lasoo xidhay hargeysa si toosa ugu samaynayeen baasaaboorka somaliya

Waxaana mid kamida sadexdan nin ee xidhan lagu magacaabaa khadar xuseen axmed kaasoo haystay xafiiska sky travel agency oo ku yaalaa badhtamaha suuqa hargeysa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS